DAAWO;-Eng Cabdi Cali Oo Walaac Ka Muujiyay Jidadka Caasimada Hargaysa, Madaxwayne Biixina Ugu Baaqay In Uu Gudi Umagacaabo. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Eng Cabdi Cali Oo Walaac Ka Muujiyay Jidadka Caasimada Hargaysa, Madaxwayne Biixina Ugu Baaqay In Uu Gudi Umagacaabo.
January 26, 2020 - Written by Editor:

“Madaxwayne Hadii Aad Adigu Ku Dhex Jirtid Qasriga Aad Uqurux Badan,Ee Aan Daawado Marka aad Waftiyada La Kulmaysid, Magaaladii Waa Baaba,.”Eng Cabdi Cali Barkhad.

HARGAYSA(W,N)-Eng Cabdi Cali Barkhad Oo ka mid ah Aqoonyahan reer Somaliland Oo Xilal Kala duwan kasoo qabtay xukuumadii Daahir Riyaale Ayaa walaac ka muujiyay jidadka magaalada caasimada oo uu sheegay in ay ka awood badan tahay golaha deegaanka.

Sidoo kale Eng Cabdi Cali oo Aqoon dheer u leh arimaha dhismaha wadooyinka iyo qaabka loo horumarin karo caasimada ayaa madaxwayne biixi ugu baaqay in uu gudi heer qaran ah umagacaabo caasimada islamarkaana uu u sameeyo dhaqaale xukuumada dhexe Uqorshayso,

Dhanka kale Eng Cabdi Cali ayaa madaxwaynaha ku dhaliilay war la,aanta ka haysa gudaha caasimada iyo sida ay uburbursan yihiin wadooyinkeedii balse uu isagu ku qanacsan yahay Qasriga Madaxtooyada ee Uu Ku dhex jiro

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

 

COMMENTS
LINKS