Safiirka Cusub Ee Loo Magacaabey Wadanka Jarmalka Isagoon Safaaradii furin Ayuu Qas Ka Dhex Bilaabay Jaaliyadaha Jarmalka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Safiirka Cusub Ee Loo Magacaabey Wadanka Jarmalka Isagoon Safaaradii furin Ayuu Qas Ka Dhex Bilaabay Jaaliyadaha Jarmalka!
January 29, 2020 - Written by Editor:

Safiirka Cusub Ee loo Magacaabay jarmalka odey (Mustafe),oo ah Nin Da,ah muddo baddana soo shaqeeyay islmarkaana, ay markii horeba aad ula yaabanaayeen, Guud ahaanba Jaaliyadaha kasoo jeedda Somaliland ee Dalkaasi Jaramalku ayuu lasoo baxey, Dhaqan aan looga fadhiyin Waayeel ninkii jirrey wuxuu yidhi (Waar habartii indho-La,aan maku ogeyd Dadd Cunnimona wey ku darsatey) waxaa layaab leh oo jaaliyadu isweydiinaysaa hadda wadaadkaasi isagoon Hawshii loo igmaday guda galin ayaa waxa uu lakala saftay jaaliyada ha ka jira jarmalka oo baryahan uu ka jiray jahawareer iyo is qab qabsi iyadoo jaaliyad kastaa sheeganayso inay iyadu tahay Jaaliyada Guud marar badana lagu arkay saxaafada iyagoo gooni gooni usoo dhawaynaya waftiyo Somaliland ka yimid waxaa Todobaadkan wafti ku yimid wasiirka beeraha oo shir kaga qayb galayay Berlin ayaa jaaliyada franckfurt sheegatay inay iyadu wasiirka damiinatay oo ay fiisaha usoo saartay halka ay jaaliyada Bonna markii uu wasiirku madaarka kasoo dagay wasiirka u raacday ilaa Berlin shirkana kala qayb gashay arinkaa waxaa ka cadhooday jaaliyadii frankfurt oo iyadu isku diyaarisay inay wasiirka soo dhawayn usameeyaan Berlina u raacaan dhalinyartan oo wadanka ku cusub luuqda wadanka lagaga hadlo xeerarka iyo shuruucda wadanka u yaalana wax badan ka ogayn ayaa waxa ay bilaabeen probagando iyo aflagaado waxaa nala soo xidhiidhay nin mustafe la yidhaa oo jaaliyada franck furt ka tirsan sheegayna inuu gobolka Awdal kasoo jeedo waxaanu noo sheegay inuu safiirka jarmalku lasoo hadlay isagoon Xiskiisu dhanayn hadalkiisana si fiican loo fahmayn inuu safaaradii la wareegay nin maxamed la yidhaa iskana maamushay hawlahaygii waxaanu noosoo diray codod iyo sawiro oo tilifankiisa ugu jiray cododkaas oo ay ku jiraan dad madaxa oo dawlada ka tirsan anaga kaliya umuu dirine waxa uu codadkaa u diray dad kale waxaan umalaynayaa inay gacantu kaga dhacday waxaanu noo balan qaaday inuu jaaliyada franckfurt taageersanyahay iyagana la shaqayn doono,18mayna la qaban qaabiyaan lacagta ku baxaysana uu isagu bixinayo.

Safiirkan Jarmalka loo magacaabay oo 79jira xidhiidh badan lama laha shacabka Somaliland ee wadanka jarmalka degen waligiina laguma dhex arag meel lagaga shaqaynayo danaha somaliland waxa uu degen yahay tuulo yar oo u dhaw magaalada kassel oo uu daganaa 45 sanadood waa nin Aakhiru cimri ah oo aan cidna ka qarsan waxa uu  u dhaqma sida dadka u dhashey jarmalka.

QALINKII; Xasan Cabdi-keyse Cabdilaahi

Germany Parlin

hassankeyse13@htmail.com

 

 

COMMENTS
LINKS