“Somaliland Maanta Doorasho Ayay Ku Iibsamaysaa, Muran Isjiidjiid Iyo Ku Jiqsii Dalka Dan Uma Aha.”Siyaasi Gacayte. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Somaliland Maanta Doorasho Ayay Ku Iibsamaysaa, Muran Isjiidjiid Iyo Ku Jiqsii Dalka Dan Uma Aha.”Siyaasi Gacayte.
February 3, 2020 - Written by Editor:

“Ninka Xadhig Suryeeyoow Waxa Socota Taariikh”

Somaliland Maanta Doorasho ayay ku iibsamaysaa muran, isjiidjiid iyo ku jiqsii dalka dan uma aha, komishankii hore diidnay, kii cusbaa diidnay, kii hore ayaa la qaatay ee hala soo celiyo, Cajiib!

Sheekadu Markay caynkaa tahay dad islaama ayaynu nahay Kitaabka Quraanka qofka gacanta saaray inaad aamini waydo diinta kuma jirto. Komishanka maanta jooga iyagoo iscasila mooyaane mar hadii sharci lagu kala diro la waayay, dhaarta hala aamino oo doorasho haloo diyaar garoobo.

Soomaalidu waxay tidhaa Ijiid aan ku jiido waa gacmo daalise dib ha iskugu noqdan Xisbiyada Mucaaridku oo damacoogu haduu yahay inay dalkan hogaankiisa maruun qabtaan haw tudhaan oo talo ha keenaan maanta iyaga ayay gacantooda ku jirtaa shacabka Somaliland isha ayuu ku hayaa arintan.

“Raga dooni wada koray

Midi uu dajinayoo

Daacadii ka dheeryahay

Maxaa lagu dabiibaa

Dawadiisa soo sheeg”

Maansadii~Doqon- dila

Somaliland doon ayay wada saaran tahay cid gaara ka dagi mayso hadii ay qarqoonto. Xukuumad iyo xisbiyaba wxn leeyahay badbaadadeenu waa inaynu ka gudubno muranka komishanka oo doorasho u guntano.

“Ninka Xadhig Suryeeyoow Waxa Socota Taariikh” Saxansaxo, Gaariye IHN

Wabilahi tawfiiq.

W/Q: Dubad Gacayte

Gacayte09@gmail.com

COMMENTS
LINKS