Zaad Shilling Iyo Dollar Ka Jabay, Dhibaa Laga Kororsaday. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Zaad Shilling Iyo Dollar Ka Jabay, Dhibaa Laga Kororsaday.
February 5, 2020 - Written by Editor:

Dawlada Somali land iyo Shicibka reer Somalilandba waxay dani ugu jirtaa in gabi ahaanba Maamulka Sarifka uu Bangiga Dhexe la wareego oo uu Shilinka Somali land ka shaqaysiiyo, xakameeyana lacagaha qalaad ooynu noqono Dal lacagtiisa isticmaala. Haday noqoto ganacsiga guud ee Somaliland iyo mushahar shaqaale bixinba, waayo waxa ina dilay ee sixir bararka iyo baahidan badan inoogu wacan waa lacagta Qalaad eeynu isasiinay iyo Bankigii Somaliland oon maamulkii lacagta hayn ooy shirkado madax banaan iyo ganacsato dhiig miiratii ina yeesheen ooy siday doonan kolba inoo galaan.

Shirkadahaas oon bixina cashuurihii waajibka ku ahaa. FAA,ido wayn oo dhaqaale soo galisa Dawlada ayey u noqon lahayd hadday Dawladu la xisaabtami lahayd shirkad walba ooy ka Qaadi lahayd Cashuurta ku waajibta. Xaqiiqada marka la rabo wax badan ayaa Dawlada dhaqaale uga soo hoyan lahaa, haday sida sharcigaa umaamulaan una cashuuran Shirakadaha telfoonada iyo xawaaladaha. Hadaan u soo noqdo sheekada Zaadka Shilinka Somali land iyo doolarka jabay. Wax isbedelay iyo wax jabay midna ma jiro hadaan Bulshadan saboolka ah een hadlan karayn lagu sii diganayn, waayo markuu doolarku kacsanaa Zaadka Shilinkuna jirin lacagtoodu waxay u goyn jirtay eey ku iibsan jireen marnaba kuma iibsadaan hada oo markasta halkii iyaga wax usoo noqon lahaa haday wax jabeen iyagaa marwalba lacag dhan (boqolkiiba shan iyo toban ku dara), oo khasare kale oo noloshoodii baahi sii galiyey galay. Maceeshadii halkii ayuunbay taagan tahay, ay taagnayd markuu ahaa 100$ million S/land ah, markaa masakiintii awalba dhibanayd ayuunba doolarkoodii hoos loodhigay oo wixii boqol ama halka doolar u goyn jiray + 15% ku noqday. Doolarka la jabiyey iyo Zaadka shilin Somaliguba, Bulshada dhib ayuunbay usoo kordhiyeen oo halkay wax ka faa,idi lahayeen iyagii wax kasii dhinmeen markasta ooy  doolarkoodii sarifanayaan, markay sariftaan ay wax ku iibsanayaana iyagu lacag ayna awoodin dib ugu daraan.

Allaa Mahad Leh.

Abdi Rahim Ibrahim Ahmed (Boodhari)

Get Outlook for Android

COMMENTS
LINKS