Muwaadin Reer Somaliland Oo Codsi Cajiib Ah Udiray Komishineer: Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muwaadin Reer Somaliland Oo Codsi Cajiib Ah Udiray Komishineer: Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi!
February 6, 2020 - Written by Editor:

KA; Mu’waadin Ahaan Waxaan Kaa Codsanayaa Marwo Kaltuun Sheekh Xasan  Inaad iska casisho xubinnimada komashinka doorashooyinka qaranka ee muranka iyo khilaafku hadheeyey. Adiga oo danta qarankaaga eegaya.

Komishineer kaltuun waxaan ka codsanayaa in aanad ka mid noqon muranka sabab aad u sii fadhidaa ma taalo waayo waxaad tahay qof nasiib badan waxaanad ka mid tahay komishankii hore ee kalsoonida la siiyey xisbiyada qaranka iyo guddidii dhex-dhexaadinta isku raaceen in la soo celiyo .

Marwo komishineer KALTUUN uu hiili qarankaaga maanta ayuu hiil kaga baahan yahay, Somalilandna ducada ka qaado. noqona geesiyada u tanaasushay qaranka si hanaanka dimuquraadiyada Somaliland u sii socdo. Sumcad iyo sharaf uun baa kuu kordhi.

Komishineer kaltuun maaha in lagu eersado, u tanaasul dalkaaga iyo dadkaaga sidii komishineerkii hore duco qaado.

Waxaan mar labaad kaa codsanayaa inaad iska casisho komishankan ay kalsoonidii xisbiyada qaranku kala noqdeen iyo guddidii dhex-dhexaadintuba. Ee aan jirin cid ay u garsoorayaan ba; isla markaan xukaanta qaar ka maqan yihiin.

Waxaan ka codsanayaa komishineer KALTUUN inaa aanad ka qayb qaadan komishankan kalsoonida ay xisbiyada qaranku kala noqdeen ee hanaankii dimuquraadiya Somaliland mugdiga galiyey sumad na aanad ku yeelan.

Sabab aad uga sii mid ahaato ma jirto maadama aad ka mid tahay komishanka soo noqonaya. Ee laga maarmi waayey waayo aragnimadooda iyo aqoonta iyo kartida iyo sidii wanaagsanayd ee dooorashadii MADAXTOOYADA u qabteen .

Beesha caalamka iyo xisbiyada qaranka iyo bulshada u isku raaceen.kalsoonina lagu siiyey inaad doorashooyinka wakiilada iyo deegaankana ka qabtaan 2020.

Qalinkii Jamaal Yuusuf.

Wa bilaahi towfiiq

COMMENTS
LINKS