War Deg Deg Ah;-Qaarka Mid ah Gudida Ganacsatada Magaalada Tog wajaale Oo Xabsiga Loo Taxaabay+Sobobta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
War Deg Deg Ah;-Qaarka Mid ah Gudida Ganacsatada Magaalada Tog wajaale Oo Xabsiga Loo Taxaabay+Sobobta.
February 12, 2020 - Written by Editor:

TOG WAJAALE(W,N)-Qaar Kamid ah gudida ganacstada Magaalada Tog wajaale ayaa xabsiga loo taxaabay, kadib markii ay rabshado kala horyimaadeen maamulka gobolka Gabiley,Agaasimaha Guud Ee wasaarada gaadiidka iyo Jidadka iyo maamulka degmada wajaale  oo dhagax dhigayay xarun ay wasaarada gaadiidka iyo jidadku leedahay.

Xubnahan la xidh xidhay ayaa ilaa xalay ku hawlanaa Abaabulka mudoharaad xukuumada lagaga soo horjeedo.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay dhinaca xukuumada.

Masuuliyiinta gudida ganacstada ee la xidh xidhay ayaa kala Ah

Gudoomiyaha gudida ganacsatada

Maxamed Jaamac

Yuusuf cali

Oday Daaha

Cali Cumar Dhinbiil

Iyo dhalinyaro kale oo kamid ahaa dadkii ay soo abaabuleen

Sidoo kale wararka laga helayo magaalda wajaale ayaa sheegaya in wali xukuumadu ku raad joogta xadhiga xubno kale oo kamid ah gudida ganacsatada iyo shakhsiyaad kale  oo xoguhu sheegeen in qayb ka ahaayeen abaabulka lagaga soo horjeeda xukuumada ee magaalada wajaale iyo dhagax dhiga goobtan.

Dhanka kale xogaha laga helayo xadhiga masuuliyiinta gudida ganacsatada ayaa sheegaya in uu amarka xadhigooda uu kasoo baxay dhinaca xukuumada kadib markii ay si badheedha usoo weerareen masuuliyiin dhagax dhigayay xafiiska wasaarada gaadiidka iyo jidadka ka hirgalinaysay wajaale.

Xubnahan la xidh xidhay ayaa losoo gudbiyay dhinaca magaalada gabiley oo wakhti xaadirkan ay ku xidhan yihiin.

WAJAALENEWS DESK

TOG WAJAALE OFFICE

 

COMMENTS
LINKS