Odoyaddii Gudida Tog-Wajaale Oo Xabsiga Loo Taxaabey Markii Ay Ka Horyimaadeen Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Odoyaddii Gudida Tog-Wajaale Oo Xabsiga Loo Taxaabey Markii Ay Ka Horyimaadeen Maamulka Gobolka Iyo Ka Degmada!
February 12, 2020 - Written by Editor:

Tog-Wajaale(W,N)-Gudidii odoyaasha Tog-Wajaale ee isugu jirrey Qeyb kamid ah Culimada,iyo Duqeyda Degmada Tog-Wajaale ayaa Xabsiga loo taxaabey kadib markii ay si adag uga dagaalameen, qeyb kamid ah dhulkii Danta Guud eek a hadhey Xabaalaha cusub ee Wajaale, gaar ahaan cidhifka Galbeed ee Dhinaca Laamida Xiga halkaas oo ay sheegeen in dhulkaasi kamid yahey 1km oo Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, uga soo qaadeen Xabaalaha Tog-Wajaale.

Shan xubnood oo kamid ah Xubnaha Gudidaasi Tog-Wajaale ayaa Ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen, iyadoo lagu eedeeyay in ay rabshado ka abuureen dhul danguud ah oo lasiiyay Wasaaradda Gaadiidka islamarkaana, ay abaabul xoogan iyo kicin ka bilaabeen Gudaha Magaalada Tog-Wajaale iyagoo shacbiga iyo Ganacsatada ugudbiyay fariin ku sahabsan in dhulkii xabaalaha dawlladu qaadatey, sidaa darteedna isku soo bax balaadhan oo arintaa lagaga soo horjeedo iyo mudaharaad lagaga hortago, balse ay is hortaageen barqadii saaka Gaadiidka xashiishka ka qaada Wajaale kadibna Gudoomiyaha Gobolka Gabiley Maxamed Cismaan Xaaji Axmed oo goob joog ahi amrey in dhamaantoodba Xabsiga loo taxaabo.

Wararka kale ee ku sahabsan Xadhiga Duqeydan Gudida Tog-Wajaale ayaa sheegaya, in Xubnaha Gudidani ka sameeyeen Magaalada Tog-Wajaale Maamul iyaga u gaar ah oo ay sitoos ah ugu tagaan Xukuumadda Dhexe islamarkaana, ay xaga sare kaga yimaadaan Maamulka Gobolka iyo ka Degmada Tog-wajaale iyadoo shacabka Tog-Wajaale qeybo kamid ahi Warbaahinta u xaqiijiyeen in Maamulkooda gaarka ahi gaadhey heer ay Qeybaha Ganacsiga badhkii kaga qaadaan lacago cashuur ah oo aaney Dawllada Hoose iyo Dawllada dhexe midna shaqo ku laheyn, Waxa kale oo Shacabku xuseen in ay isugu jirraan Gudidu Xubno Ganacsatada matela,Xubno Gudida Wanaag Farista kujira iyo Xubno kamid ah Culimada, iyo xubno  Dilaaliinta iibka Dhulka ah iyo Xubno odoyaal ah.

Dhulka Xabaalaha Tog-Wajaale ayey Gudidu ku sheegeen in ay ka codsadeen oo iyagu kasoo qaateen Xukuumaddii Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) islamarkaana, ay iyagu ka talinayaan oo aaney cidna uga ogolayn in faro-galin ku sameyso sida ay u dhigeen hadalkoodii shaley ay ka jeediyeen Warbaahinta iyadoo dareen baddani kujirey sida ay difaaca iyo dagaalka uga galeen arintan inkastoo dadweynaha Reer Tog-Wajaale qeybo badan oo kamid ah iyo Ganacsatada waaweyniba tuhunsan yihiin in Duqeyddu dhulkan ay sheegayaan islamarkaana, ay shacabka ugu sheegeen, in uu qeyb ka yahey Xabaalaha uu jiro dhul ay qorsheysteen, oo ay iyagu doonayaan in ay sigaar ah u qaataan marka si aad ah loo dhugto hadalkooda ku aadan amaanta iyo bogaadinta ay u gudbinayeen Madaxweynihii hore Axmed Siilaanyo, ee ahaa isagaa nasiiyay 1km.

“Halkan Tog-Wajaale noqon maysso Dhuusamreebtii Sadexda Madaxweyne iyo Maamul ka jiraan, waa ayaandarro Culimadii Magaalada ee umadda Waxa san fari laheyd in ay Xumaanta iyo Fidmada abuuraan imikanna waxey gaadheen in ay yidhaahdaan Waxaanu ka talinaynaa Dhulkii Dawllada, dhulka Xabaalaha anakaa Madaxweynaha weydiisanay oo keenay, Barrito haddey buuxsamaan cidda wax la weydiinayaa Waa Annaka”Sidaa waxa yidhi Gudoomiyaha Degmada Tog-Wajaale Xaashi Muxumed Cabdi oo faafaahin ka bixiyay  rabshadaha Gudida uu Sheegay in uu isagu u igmadey Hurumarinta Wajaale.

Sidoo kalena Taliyaha Qeybta Booliska Gabiley, oo isaguna ka Hadley Xadhiga odoyaashan, iyo Sababta loo taxaabay ayaa yidhi.

“Isagoo badhasaabku na hogaaminaya ayay dhagaxa noo qaadeen, oo Dagaal nagu bilaabeen markii aanu dhagax dhiganay goobtii intii aanu qaban kareynay Waannu qabqabaney, inta hadheyna Waxaan balanqaadayaa cid kasta oo kiiskaasi soo gallo meesha uu doono hataggee amni darro darted inaan soo qabanayo, oo Xidhayo intey doonto ha igu qaadatee”Ayuu yidhi Taliyaha Qeybta Ciidanka Booliska Gobolka Gabiley Gaashaanle/dhexe Cabdi Aadan Cawaale.

Hadalhaynta arintan ,ayey Ganacsatada Tog-Wajaale, si hoose oo xanshashaq baddan isaga wareysteen iyagoo si aad ah uga dhega-adeygay Qorshihii ay damacsanaayeen odoyaasha Gudida la taxaabey, oo iyagu Codsiyo u Gudbiyay dhamaanba Mujtmaca ku nool Degmada Tog-Wajaale Ganacsato iyo Shacbiba si ay ugala qeybqaataan Rabshadaha iyo Mudaharaadka ay ku doonayeen in ay ku difaacaan Dhulkan haseyeeshee,inta ugu baddani wey ka gaws-adeygeen maadaama iyaga laf-ahaantooda darreen badan oo tuhun ah laga qabey, iyo dhibaatooyin baddan oo dhex carar ah oo ay Ganacsatadu ka tirsanaysay Maamulkooda gaarka ah haba u badnaato, Qaadhaano ay si Xukun ah ugu kalifi jirreen Ganacsatadda iyo Arimo fara baddan oo lagu Saluugsanaa nidaamkooda Dawlliga ka baxsan haddana danaha gaarka ahi ku lamaan yihiin, oo ay kaga leexdeen Arimih

ii markii hore laga filayay in ay Danta Guud kagala qeyb qaataan Maamulka.

Lasoco Wararka kasoo Kordha Xadhiga Odoyaasha iyo Talaabada Xukuumadda iyo Ciidamada Boolisku ka qaadeen.

WARIYE CABDIRAXMAAN

 

COMMENTS
LINKS