Drs. Edna Aadan Oo Lagu Soo Dhaweeyay Istanbul. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Drs. Edna Aadan Oo Lagu Soo Dhaweeyay Istanbul.
February 12, 2020 - Written by Editor:

Istanbul (W,N): Ergayga Somaliland u qaabilsan wada-hadalada Soomaaliya Dr. Edna Adan Ismaciil, ayaa maanta soo gaadhay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga.

Drs. Edna Aadan, oo maalmihii u danbeeyay socdaal ku maraysay qaar ka mid ah dalalka qaarada Yurub, ayaa safarkeeda ku soo gaadhay dalka Turkiga.

Ardayda iyo Jaaliyada Somaliland Turkiga ayaa si balaadhan Madaarka ugu soo dhaweyay Drs. Edna Adan.

16-ka bishan ayaa magaalada Istanbul lagu soo bandhigi doona Buuga ‘A women of firsts’ oo ka waramaya waayaheedda nololeed iyo Waxyaabihii taariikhiga ahaa ee ay soo martay Drs. Edna.

COMMENTS
LINKS