Qaramada Midoobay Oo Soo Saaray Warbixin Ay Si Wayn Uga Cadhootay Yuhuudu! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaramada Midoobay Oo Soo Saaray Warbixin Ay Si Wayn Uga Cadhootay Yuhuudu!
February 13, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xafiiska xuquuqul insaanka Ee Qaramada Midoobey ayaa soo saaray warbixin in muddo ah laga dhursugayay oo ku saabsan shirkadaha lala xidhiidhiyay deegaameynta dadka Yuhuudda ah ay Israa’iil ka waddo Daanta galbeed.

Warbixinta waxay shaaca ka qaaday ilaa 112 shirkadooda oo la sheegay inay ku lug leeyihiin howlaha deegaameynta, haddii ay ahaan laheyd guryaha Israa’iil ay ka dhiseyso Daanta Galbeed iyo howlaha kale ee lagu duminayo dhismooyin ku yaal halkaas.

Waxaan shirkadahaas kamid ah Airbnb, Booking.com, Expedia Group iyo Motorola Solutions.

Falastiiniyiinta waxay soo dhaweeyeen warbixinta Qaramada Midoobey oo ay ku tilmaameen ‘Warbixinta waxay guul u tahay shuruucda caalamiga ah’ halka Israa’iil ay ku tilmaantay ‘mid fadeexo ah’

Ku dhawaad 600,000 oo qof oo Yuhuud ah ayaa ku nool ilaa 140 deegaan oo ay Israa’iil ka sameysay dhulka ay heysato ee Daanta Galbeed iyo bariga magaalada Quddus tan iyo sannadkii 1967-kii.

Waxaana deegaameyntaas lagu sheegay mid sharci darro, sida ku xusan xeerarka caalamka, inkasta oo ay Israa’iil dood ka keentay arrintaas.

Falastiiniyiinta waxay in muddo ah ku baaqayeen in dhulkaas laga saaro Israa’iil.

 

COMMENTS
LINKS