Xuska Maalinta Jacaylka Aduunka! W/Q: Abdirasak Hassan Ali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xuska Maalinta Jacaylka Aduunka! W/Q: Abdirasak Hassan Ali.
February 13, 2020 - Written by Editor:

Waa maaweelada kaliya  ee kusoo   dhacda  qalbiyada  dhalinyarta  markii lasoo qaado   maalinta  jacaylka aduunka!!  haa  kaliya  ma aha  maaweelo  ee  waa waqti  ay soo ceshaan  xusuusihii  iyo waqtiyadii macaanaa  ee ay soo wada  qaateen  dad  isjeclaa oo qalbiyadoodu isu  boholyoobi jireen hada se  ay waayuhu  kala fogeeyeen . imisaa  qalbiyo dhaawac lajiifa , ama ay latiicaya rafaad   kasoo gaadhay jacaylka iyo hantaaqdiisa   halka  qaarkood   aduunkan  uga hayaameenba.                                                                                                                                            Jacaylka  oo lagu macneeyo  dareen ka  dhex abuurma  lamaanaha  labada  jinsi  oo ku salaysan  xaq dhawr  dhibir sanaan  iyo  is dhugasho  ay kudheehantay  qalbi nugayl  ayaa  ah  ah mid soo jiray  kumanaan  sano  waana  shay aanu  kamaarmi Karin  marnaba jinsiga aadamuhu  waana  xikmadii  uu alle u abuuray  xawaa kadib  abuurkii nabi aadam  si uu daganaansho,  xasilooni iyo  wehelba  uu u helo , waana  dabciyan  in bani aadamku unoolaado  qaab bulshaawi  tana waa  horseeday   inay  marwalba  uu unoolaado  koox koox kana fogaadan kali ahaansha  .

sunadaa kowniga  ee uu alla  dajiyay  waxaa  dooriyay  oo ka horyimi  qaar kamida  bani aadamka  oo sharci kadhigay  inaan  wax wehel  ah lasamaysan,  waana  ta keentay  qisadii ‘’valent’s day ‘’ oo ah  qiso  caalamka  oo dhan kufaaftay  oo aad ushaac baxday  oo ay  dadyowga  badankoodu  aad  uyaqaanan isla markaana  kusuntan maalinta dadyowga  is jeceli  ay  jacaylkooda  dib  uxusaan  soona  ceshaan  xusuusta  waayihii  isbarshada  iyo  kaftanka  kana sheekaystaan  lana dabaal dagaan farxada jacaylkooda  guulaystay,  halka  kuwa jacaylkoodu  guuldaraystayna  ay wehel lanoqdaan  xanuunka  xusuusaha  iyo xagxagtinta  jacaylkii  xanuunka  beeray   tamaniyaana  tirtirida  turaanturaayinkiisa . valanetine  aabihii jacaylka  si kale aan u dhigee  hormoodkii  jacaylka-  waa haldoor ama  halyay taariikhdiisu bilaab matay   qarnigii sadexaad   kuna  noolaa   boqortooyadii  romaniyiinta  halkaasoo lagasoo wariyo  in boqorkii ‘’ kalowdis 2’’ oo xukumaayay  boqortooyada waqtigaa  uu waajahaayay laba  loolan oo aad uwaawaynaa   oo runtii aad  dhibaato ugu hayay boqortooyada  waxaannay  kala  ahaayeen labadaasi  Xanuuno  sibaahsan ufaafay   oo ugu badnaa xanuunka  daacuunka  oo fara baas ku hayay.

Xanuunkan  oo sababay  dhimashada  kumaanan  qof oo katirsnaa  boqortooyada oo ay kujiraan  ciidankii boqortooyada  halka   dhibka kalee  haystay boqortooyada   uu ahaa  weeraro  joogta  ah  oo yaga laftooduna  hoos  udhigay  tiradii ciidanka  ee ay  boqortooyadu lahayd, isla markaan  khadka  kasaartay  cududii boqrtooyada  halkaa markii lamaraayo  waxaa waajib noqotay  in labaadi doono  xalkii lagu joojin lahaa burburka boqrtooyada . xal dheer  kabacdi  waxaa uu  boqorkii soo jeediyay  in  dhaliyarta ama  da’yarta  laga  joojiyo  guurka  si aanay  ugu mashquulin  guurka , maadaama  da’yartu  ay ka xoogan yihiiin  kana  karti badnayhiin  kuwa leh   xaasaska . arinkan  uma  cuntamin  valentine  waxaana uu bilaabay  in uu si hoose  ah  lamaana kastba  isugu guuriyay ilaa laga  ogaaday arinkiisii  isla markaan  xabsiga loo taxaabay laguna qasbay  in uu badalo diintii uu aaminsanaa  ee masiixiga  ahayd – waxaana lawariyaa  in valentin  ka haor daldalaadiisii uu  soo bandhigay  arimo mucjiso ah  si uu ugu qanciyo  inay aaminaan  diinta masiixiga  isagoo markaa inantii boqorka  oo indha la’ayd  uu uduceeyay oo markiiba  wax aragatay  laakiin  tani marnaba  kama joojin  dilkii  ladilaayay.

Qisada  valantine  waxay aad ufaaftay qarnigii 14aad  ee miiilaadiga  xiligaas  oo aad loo buunbuuniyay laguna  daray  waxyaabo kale  oo saaida . waxaanay  noqotay  maalin kusuntan  jacayl  waxaana  meelo badan oo aduunka  ah la kordhiyaa kulamada , hadiyadaha  ubaxayada  si  ay u gudoonsiyaan  axbaabtoodi  iyagoo  tacbiiriniya  kalgacaylkooda . aniga laftaydu  waxaan  gacanta kuhayaa ubixii valentine  oo  aan lasugaayo  marwadii  mustaqbalka .

Hawaaro jacaylku

Abdirisak  Hassan

0634675486

 

 

 

COMMENTS
LINKS