“Wajaale Maaha Gabiley, Rag Nool Baa Jooga”!W/Q;Amir Bidde. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wajaale Maaha Gabiley, Rag Nool Baa Jooga”!W/Q;Amir Bidde.
February 16, 2020 - Written by Editor:

Beryahanba Waxaynu Markhaati ka ahayn Qalalaasihii dhuleed Ee ka taagnaa magaalada Tog Wajaale. Dhul madaxwayne Siilaanyo u waqfiyey in dadka dhinta lagu aaso ayuu hunguri ka Galay maamulka gobolka Gabiley.

Markii dadwaynaha magaaladu ka war heleen dhulkii oo dhagax iyo ciid lagu soo rogayo, ayay mudaharaad kaga hortageen iska-Rogooyinkii dhagaxa rogayay. Ganacsatadii oo ahaa kuwii Madaxwayne Siilaanyo fikradda waqaf-xabaaleedka ka soo Dhammeeyey ayaa si kulul arrintan uga fal celiyey.

Badhasaabka iyo kooxdii kale ee arrintan la wadday fikrad cusub ayay isla markiiba la yimaadeen, illeen fashilmee. Waxay yidhaahdeenba wasaaradda Gaadiidkaa dhulka dhisanaysa. Dhagax dhigid been ah ayaa markiiba lagu dhaqaaqay.

Wasaaraddii dhulka qaabilsanayd ayaa caddaysay inayna wasaaradda Gaadiidku waxba soo codsan. Badhasaabku isu duwihii wasaaradda Dhulka ee gobolka u qaabilsanaa ayuuba shaqadii ka eryay!

Odayadii magaalada ayuu jeelka ku guray! Ma hadli kartiin!

Badhasaabku miyuuna ogayn in ganacsatada dalka ugu awoodda badani Wajaale joogaan. Miyuu illoobay wixii qabsaday badhasaab Ramaax? Muddo gaaban inuu xil qaranba ku waayay, ganacsatadaa awgeed. Wafdigii wasiirada ahaa ee madaxtooyada laga soo diray ayaa go’aamiyey siday ganacsatadu rabeen.

Wajaale ma wuxuu mooday Gabiley? Oo isaga iyo Maayarka Gabiley waddooyin 4 haad ah ka saareen dhulkii beeraha. Beeralayda oo ah dadka dan yarta ah ee gobolka, oo qoysku dhul yar oo dhowr qooddi ah carruurta ku korsado ayaa dhulkoodii laga qaaday. Bal beer yar oo waddo afar haad ah laga saaray maxaaba u soo hadhi.

Midda kale waa waddooyin aan cidi u baahnayn. Waxa la yidhi magaalada ayaa dhulkaa mustaqbalka ku ballaadhanaysa. Hadda Gabiley maba korto oo ma fiddo. Sababtuna waa Hargaysaa duleedkeeda ah. Markaa dadka gobolka Gabiley waxay dhistaan Hargaysa oo degaankooda reereed ka mid ah. Guriga Hargaysina wuu ka qiimo badan yahay ka Gabiley, xag kiro iyo xag baahiyeedba.

Markaa dhulkan danyartii beeraleyda laga baabiiyey Gabiley boqolka sano ee soo socdana ma gaadhayso.

Dadkaa xuquuqdooda cidi kama hadlayso. Reer Gabileyna waa dad hurda oo aan ka gilgilan dhibaatada lagu hayo danyarta.

Markaa badhasaabku Wajaale, wuxuu mooday Gabiley!

Wuxuuse u dhowyahay inuu xilka badhasaabnimo ku waayayo arrintaa Wajaale awgeed. Hadduuna cafis ka helin ganacsatada Wajaale.

Wa Billahi tawfiiq,

QALINKII;A. Amir Bidde

COMMENTS
LINKS