Muse Mise Abiy!W/Q; Cabdirasaaq Sheekh Cali Askar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muse Mise Abiy!W/Q; Cabdirasaaq Sheekh Cali Askar.
February 17, 2020 - Written by Editor:

Waxaa maalmahan dalka ka taagnaa warar ugub inagu ah oo aan hore inoo soo marin 29 sanno ee qaranka Somaliland Jirey. Waana mid guud ahaan bulshada Somaliland ku noqotay lama filaan iyo uqaadan waa! Waa markii ay maqleen Hogaamiyaha Dalka aynu jaarka nahay ee cadaawada xuni inaga dhaxayso ayaa Hargeysa kusoo food leh waa shakhsiga loogu yeedho Farmaajo  iyo kooxdiisa ku wareegsan oo ahaa kuwii in kabadan konton ka kun ee muwaadiinta Somaliland ah ku xasuuqay dalka intii u dhaxaysay 1988 illaa 1991. Islamarkaana seddexdii sanno ee innasoo dhaafay aynu ogayn dagaalka; dhaqaale, siyaasadeed iyo Bulsho ee uu inala galay Farmaajo! Ummada ay waxaas oo dhibaato ah ay u gaysteen maxaa maanta keenay inay ku hamiyaan oo ay maskaxdooda soo gasho imaatinkaas la sheegayo?

Waxaynu warka ku haynay in Raysal Wasaaraha Ethiopia uu Madaxweyneheena tiroba dhawr jeer warqad usoo diray uu kaga dalbanaayo in Farmaajo yimaad Hargeysa. Waxaa kale oo jirta oo aan ummadda loo sheegin in tagitaankii Madaxweyne Muuse ee Ethiopia iyo Martiqaadkii ABIY iyo waliba kulankii Madaxweyne Biixi iyo Farmaajo inay salka ku haysay warkan naxdinta leh ee  maalmahan ina jahawareeriyey.

Haddaba waxaa isweydiin leh sababta uu Raysal wasaraha Ethiopia uu ugu adkaysanaayo inay arintani fusho oo ay masuuliyiinta Somaliland oo uu ugu horeeyo Madaxweynuhu aqbalaan ……oo tiroba afar jeer la sheegaayo inuu madaxwynaha kala soo hadlay marka laga yimaado kulamadoodii Addis Ababa ee u dambeeyey. Dhinaca kale Markaad dhugato Hadaladii  Gudoomiyaha Guurtida iyo Xildhibaan INDHO INDHO waxaa muuqata culayska arintani ay leedahay iyo Cadaadiska Xoogan ee ABIY uu ku hayo Madaxweynaha Somaliland.

Isweydiintu waxay tahay haddaba, cida aynu u dooranay hogaaminta dalkeenu Ma Raysal wasaare ABIY baa mise waa Madaxweyne Muuse Biixi. Sida dastuurka Somaliland Q90aad dhigaayo waxaa kamid ah Shaqada Madaxweynaha loo doortay  Daryeelka iyo Ilaalinta haybada iyo Sharafta Qaranka. Markaa iyada oo Madaxweynuhu og qodobkaa Maxaa keenay in tiroba dhawr jeer masuul dalka kale culays ku saaro arin lidi ku ah awoodihiisii dastuurku siiyey iyo guud ahaan qarankaba. Anniga oo arimahaa sare ku xusan isku soo wada jamcinaaya waxaa isweydiiyey dalkeena Somaliland ma Muuse Biixi ayaynu u dooranay mise waxaa ka taliya yarkaa Ethiopia haysta?

Wabillahi Tawfiq

QALINKII; Cabdirasaaq Sheekh Cali Askar.

 

Hargeysa, Somaliland

COMMENTS
LINKS