Madaxwayne Biixi; “Shan Aanan Is-lahayn, Iyo Shan Aan Is-Lahayn!W/Q;Xamse Khayre. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Biixi; “Shan Aanan Is-lahayn, Iyo Shan Aan Is-Lahayn!W/Q;Xamse Khayre.
February 19, 2020 - Written by Editor:

5 Aanan Is-lahayn;

1-Farmaajo ayaa raali-gelin bixiyey buu odhan ismaan lahayn..

2-Gardarradii Abiye ee shalay wuu Ka aamusi oo waliba wuu amaani ismaan lahayn

3-Intuu soo-xidhay Itoobiya ayuu waddadii corridor-ka Qudbadda ku darsan ismaan lahayn. Xagay waddadu ku socotaa..n

4-Wuxuu dafiri raali-gelintii Xasan Sh. Maxamuud & Sh. Shariif dabacsanaantiisii Somaliland buu inkiri ismaan lahayn

5-Magaca Farmaajo oo saddexan ayuu yaqaan ismaan lahayn. .

5; Aan Is Lahayn

1;Xisbiyo ma-jiraan iyo Xisbiyaan furayaa isma laha. Cid Xisbi la’aanta kaa jecli ma jirto’e kuwa aan Ila xisaabtami Kari karin baan furanayaa dheh…

2;Farmaajo cuna-qabatayn nagu sameeyay oo waxaas oo talaabooyin Naga dhan ah qaaday haddana waa nin oday ah oo isaga cid ka wacan ba Soomaliya ma Iman isma laha.

3;Raali-gelinta waanu soo dhawayneynaa iyo dambigii buu u qaybiyey cidii la xasuuqayna isma laha

4;Maxamuud Xaashigii/Maxamed KaahinkiibXisbiga Kulmiye sugayey iyo mid ha furtaan oo ha soo tartamaana isma laha

5;Sida aad dalka ula meeraysanayso iyo sida dadku khaatiyaanka u yahayna isma laha…..Gabaygaa Faarax Nuur iyo Farmajahaad noo qarinaysayna isma laha.

Qalinkii; Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

COMMENTS
LINKS