“Waxaynu Ku Jirnaa Xilli Ay Laba-Wajiilaynta Beesha Caalamku Marayso, Heerkii Ugu Xumaa..”Eng Xuseen Dayr. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Waxaynu Ku Jirnaa Xilli Ay Laba-Wajiilaynta Beesha Caalamku Marayso, Heerkii Ugu Xumaa..”Eng Xuseen Dayr.
February 23, 2020 - Written by Editor:

Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku xaq-darro cad iyo eex aan gabasho lahayn ka galayaan QARAN GUULAYSTAY oo ku guulaystay inuu dadkiisa u horseedo Nabad, Degenaansho, Horumar, Dimuqraadiyad iyo Dawlad Wanaag, taasoo ay Jamhuuriyadda Somaliland ku sifowday 29-kii sano ee ugu dambeeyey!!

Waxaynu ku jirnaa Xilli ay Bulshada Caalamku is diidsiinayaan oo ay INDHAHA KA LALINAYAAN RABITAANKA IYO XAQA AAYA-KA-TASHIGA ummadda JSL, iyo xaqa ay u leeyihiin inay noqdaan Qaran Madax-bannaan oo ka mid ah Bulshada Caalamka.

Waxaynu ku jirnaa Xiilli la isku abaal-marinayaa Dawlad Xumada, Xasuuqa, ku Xad-gudubka Xuquuqda Aaadamaha, Colaadaha iyo Musu-maasuqa xad-dhaafka ah taasoo ah astaamaha lagu garto Qaramada Guul-darraystay. Markaa la soco waxa la inala rabaa in Dalkeenu noqdo Qaran Guul-darraystay!!

Sidaa darteed, UMMAD YAHAY HA ILOOBIN Ahaanshaha

Ummadnimaada iyo Xilligii adkaa ee Shalay ku soo maray!!

HA ILOOBIN wixii aad Naf iyo Maalba u hurtay si aad u Xaqiijiso QARANKAA HIR-GALAY ee maanta la wada hadhsanayo.

HA NOOLAATO JAMHUURIYADDA SOMALILAND.

Qalinkii; Eng Xuseen Aadan Cige Dayr.

COMMENTS
LINKS