Taliye Kuxigeenkii Hore Ee Ciidanka Booliska Jsl Marxuum Maxamed Shiil Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Taliye Kuxigeenkii Hore Ee Ciidanka Booliska Jsl Marxuum Maxamed Shiil Oo Caawa Ku Geeriyooday Magaalada Hargaysa.
February 24, 2020 - Written by Editor:

INAALILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJUCUUN

Alle ha Unaxariistee Caawa Magaalada Hargaysa ku Geeriyooday Taliye kuxigeenkii  Hore Ee Ciidanka Booliska Somaliland Marxuum Maxamed Shiil Dhidar.

Marxuum Mohammed shiil Dhidar Ayaa mudo dheer Ahaa taliye kuxigeenka ciidanka booliska Jamhuuriyada Somaliland Xukuumadihii Cigaal iyo Daahir Riyaale isagoo  oo ka mid ahaa masuuliyiintii Aas aaska u dhigay ciidanka Booliska Somaliland.

Door muhiim ahna kasoo qaatay dib udhiskii Somaliland.

Waxaan ilaahay uga baryayaa marxuumka inuu u Danbi dhaafo Naxariistii janana ka waraabiyo.

Waxaanu ka tacsiyadaynayaa Marxuumka Maxamed Shiil guud ahaan shacabka Somaliland ,ciidanka booliska iyo Qoyskii, qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan ilaahay ka siiyo.

Marxuumka ayaa maalinta bari lagu aasi doonaa magaalada hargaysa ,

Aamiin Aamiin Aamiin

COMMENTS
LINKS