Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay War Been Abuur Ah Oo Ay Faafisay Idaacada BBC-du | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Somaliland Oo Beenisay War Been Abuur Ah Oo Ay Faafisay Idaacada BBC-du
February 26, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- War ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinyta Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu beeniyey War aan sal iyo raadtoona laheyn oo  ay  maanta duhurkii  baahisay laanta Af Soomaaliga ee BBC-da kaasi oo ay ku sheegtay in “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu kulan xafiiskiisa kula yeeshay Wufuud ka socota Beesha caalamka,kuwaasi oo galabtanna la shiraya axsaabta siyaasadda.”

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta oo soo gaadhay galabta Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay warkaas xaqiiqada ka fog ee ay maanta baahisay Laanta Af Soomaaliga ee BBC-da, Waxaanay Wasaaraddu  caddanaysaa in aanu jirin kulan uu maanta Madaxweynaha JSL Md.Muuse Biixi Cabdi la yeeshay weftigaas beesha caalamka ee ay BBC-du sheegtay inay la shireen.

Sidaas darteed, waxa Wasaaradda Warfaafintu ay Idaacadda BBC-da u soo jeedisay inay ka waantoobaan wararka noocan oo kale ah ee sameyska ah ee ay ka faafinayaan JSL, taasi oo nusqaan ku ah idaacadaas caalamiga ah oo indhaawle noqotay mid si joogto ah warar aan jirin uga faafisa Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasaaradda Warfaafintu waxay ku boorinaysaa Laanta Afsoomaaliga ee BBC-du inay ilaaliso karaamada dhegaysteyaasheeda oo aanay baahin warar been abuur ah isla markaana  aan dhicin.

 

COMMENTS
LINKS