“Dawladdii Siyaad Barre, Teelo Inoomay Dhigan, Ee Shacabkeenii Maatida Ahaa Ayey Xasuuqday, Dhib Joogto Ahna Ku Haysay”Muj Cabdisalaan Turki. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Dawladdii Siyaad Barre, Teelo Inoomay Dhigan, Ee Shacabkeenii Maatida Ahaa Ayey Xasuuqday, Dhib Joogto Ahna Ku Haysay”Muj Cabdisalaan Turki.
February 26, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W,N)- Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki),ayaa sheegay in halgankii ay dalka dib loogu xoreeyey, in aanu midho dhalkiisu ahayn in dib loogu noqdo Somaliya, balse ujeedada halgankoodu ahaa sidii ay Somaliland u madax banaan lahayd.

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan Turki), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Siyaad Barre, teelo inoomay dhigan, ee Shacabkeenii maatida ahaa ayey xasuuqday, oo dhib joogto ah ayey inagu haysay,dhibkaas ay inagu haysay ee kalifay inaynu dhiidhino, oo aynu ka damqano dhibtaas la inagu hayey, taas ayaana keentay inaynu halgan aynu la galano, oo ALLE waliba guusha ina siiyo, madaama aynu la dagaalamay dawlad akhdaro wada, inagoo og halgankii aynu la galay Dawladdii Siyaad Barre, ee dhibta inagu haysay, suurtagal noqon mayso in mar dambe la ina dago, oo Muqdisho la inooga taliyo, Farmaajana waxaanu leenahay wali waanu xasuusan nahay xasuuqii dadkayaga loo geystay, oo maanu ilaabin, ee waxba niyada ha ku dhisan inaad Somaliland u taliso, ee anaga ayaa Somaliland ilaashanayna, oo Shacabkayaga iyo Dadkayaga ayaa ila shanaya”.

Dhinaca kale wuxuu ku baaqay in wixii xurguf siyaaadeed ah ee dalka ka jira in la dhameeyo, oo xal iyo heshiis lagu dhammeeyo.

 

COMMENTS
LINKS