Somaliland Ma Dareensan Tahay, Khatarta Ka Iman Karta Xanuunka Coronavirus-ka? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Somaliland Ma Dareensan Tahay, Khatarta Ka Iman Karta Xanuunka Coronavirus-ka?
February 26, 2020 - Written by Editor:

Caalamka Waxa Ka Socda Arrin Aad iyo aad u Xasaasi ah Oo loo Baahan yahay in Ummadda somaliland ay ku Baraarugaan, Xukuumad Iyo Shacaba.

Muddo Haatan laga joogo laba bilood, Caalamku wuxuu la daalaa- dhacayaa Xanuunka ama Caabuqa loo yaqaan CORONAVIRUS oo ay Xuduntiisu ahayd Dalka Shiinaha, balse haatan ku faafay dacallada Dunida, welina wuu ku sii faafayaa.

HADDABA; WAXA IS WEYDIIN MUDAN:

1) QARAN AHAAN, INTEE IN LEEG BAYNU KU BARAARUG-SANAHAY KHATARTA UU LEEYAHAY XANUUNKA CORONA-VIRUS? MAXAASE INOOGA MEELYAALA?

In kasta oo aanan anigu ahayn Dhakhtar Aqoon durugsan u leh xanuunkan Caalamka khatarta ku haya; hadana waxaan talo ahaan waxaan soo jeedin lahaa:

1) In gebi ahaanba si ku meel gaadh ah loo joojiyo safarrada loogu baxayo ama lagaga imanayo Shiinaha (to and from).

2) In Dadka soo gelaya dalka muddo 14 cisho ah la karantinimeeyo (quarantine), meelo gaar ahna lagu hayo, ila inta ay xaaladoodu kala cadaanayso.

3) In Dadka asalkoodu yahay Shiinaha si gaar ah loola socdo, Qarankuna uu ka yeesho siyaasad u gaar ah, maadaama Aafadan Caalamka ku baahday ay asal ahaan xudunteedu tahay CHINA.

4) In Qarankani uu ka yeesho Siyaasad cad oo arrintan loogu diyaar garoobayo sidii loola tacaali lahaa;

5) In ummadda la siiyo Wacyi-gelin joogto ah oo lagu baraarujinayo khatarta ay arrintani u leedahay Caafimaadka Shacabka.

6) In Xafiiska Madaxweynuhu uu arrintan gadh-wadeen ka noqdo, isku duba-ridkeeda iyo hagisteedaba, oo lagu daydo tusaalaha Wadamada Caalamka ee uu Madaxa ugu sareeya Dalkoodu uu qaado wax ka qabashada arrintan.

7) In Qaranku uu si weyn ugu diyaar garoobo arrintan iyada ah oo AGABKII, ADUUNKII IYO AQOONTII wax lagaga qaban lahaa intay goori goor tahay la diyaariyo.

SIYAASI XUSEEN AADAN CIGE DAYR.

COMMENTS
LINKS