Waftigii Ka Socday Beesha Caalamka Oo Caawa Kulan La Yeeshay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Jsl Iyo Xogaha Laga Helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waftigii Ka Socday Beesha Caalamka Oo Caawa Kulan La Yeeshay Madaxda Xisbiyada Mucaaridka Jsl Iyo Xogaha Laga Helayo!
February 26, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Wafti Balaadhan oo socda beesha caalamka ee Somaliland ka taageera doorashooyinka ayaa maanta soo gaadhay caasimada hargaysa kuwaasi oo ujeedada socdaalkoodu ahayd sidii lays kugu soo dhawayn lahaa khilaafka cakiran ee udhexeeya xukuumada madaxwayne biixi iyo xisbiyada mucaaridka.

Waftiga ayaa waxaa Hogaaminaya safiirka midowga Yurub Uqaabilsan Somaliland iyo Somaliya Amb Nicolás Berlanga Martinez kuwaasi oo caawa huteelka Ambasador kulan kula qaatay gudoomiyayaasha xisbiyada mucaaridka ee Wadani Iyo Ucid,

Wararka laga helayo  kulanka waftiga beesha caalamka iyo madaxda xisbiyada mucaaridka ayaa sheegaya kulankoodu qaatay saacado kaasi oo aan loo ogolayn warbaahinta.

Sidoo kale xogaha laga helayo kulankan ayaa tibaaxay in ay  safiirada ka socda wadamada Somaliland doorashada ka taageeraa ay ku dadaalayaan sidiii ay iskugu soo dhawayn lahaayeen madaxweyne Biixi iyo Gudoomiye yaasha labada xisbi Mucaarad ee Somaliland ayaa xogo laga helayo xubno ka agdhow madaxda xisbiyada mucaaridku tibaaxeen laga gaadhay  isku soo dhawaansho kaasi oo saamixi kara in lagu heshiiyo qabsoomida doorashooyinka, wallow aanay wali waftigan la kulmin madaxwaynaha Somaliland oo isagu ah cida leh masuuliyada qabsoomida doorashada dhawaana shaaciyay in uu furayo urarada siyaasada oo aanay gaadhi mudadii loo asteeyay in lafuro ururada siyaasada Somaliland.

 Majiro ilaa hada war rasmiya oo kasoo baxay dhinacyada kulamada qeybta ka aha marka laga imaado warar hoose oo sheegaya in safiirku xisbiyada mucaaridka ku qanciyay in ay ka tanaasulaan  qodobo uu xal u arkayay kuwaasi oo kamid ah arimaha ay isku mari laayiin xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka

Qodobada laga tanaasulay ma cada ilaa hada lamana saadaalin karo .

Dhanka kale waftiga uu hogaaminayo safiirka midowga yurub ayaa lafilayaa in ay maalinta bari ah kulan layeeshaan madawaynaha jsl ,

Waxaase markale loo balamay beri in kulan fool ka fool ah layskugu imaado wixii intaa ka danbeeyana is afgaradkaasi hadii uu guuleysto shacabka la wadaagan isla beri natiijada .

Sikastaba ha ahaatee muranka ragaadiyay doorashooyinka somaliland ayaa waxaa kow ah komishanka doorashooyinka ee dhawaan jujuubka lagu ansixiyay oo wakhtigan ay ka joogaan shan xubnood oo kala labadii uu soo magacaabay gudoomiyaha golaha guurtida iyo sedexda xubnood ee uu madaxwaynuhu soo xulo kuwaasi oo sii joogitaankoodu uu ku adkaysanayo madaxwayne biixi halka ay xisbiyada mucaaridku qaadeen doorasho uu qabto komishan cabdirashiid riyo raac gudoomiye ka yahay

Waftiga ka socda beesha caalamka ayaa tiroba dhowr jeer isku dayay in ay isku soo dhaweeyay xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka kuwaasi oo dhamaan dadaaladaa ay galeen aanay waxba ka hirgalin,

Waxaana laga war sugi doonaa natiijada kasoo baxda kulamada ay ugu kala dab qaadayaan xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka maalmaha soo socda.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS