Dagaalo Dhimasho Iyo Dhaawac Sobobay Oo Ka Dhacay Deegaanka Gambeela Ee Dalka Itoobiya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dagaalo Dhimasho Iyo Dhaawac Sobobay Oo Ka Dhacay Deegaanka Gambeela Ee Dalka Itoobiya.
February 27, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Gobolka Nuer ee Deegaanka Gambeela ayaa lagasoo sheegayaa inuu dagaal ka dhacay. Kaasoo sababay dhimashada 12 Qof, Iyo  Dhaawaca 12kale.

Isku dhacaas ayaa lagu gubay ilaa 400 oo guri oo ku kala yaalay 5 Tuulo (qabalee) oo gobolkaasi hoosyimaada. Isku dhacan ayaa la sheegay inay ilaa hadda ku barakaceen ilaa 7,000 oo shacab ah.

Sida ay warisay Jariirada Addis standard, ayaa sheegaya inay hay’adaha amniga heer deegaan iyo heer fadaraalba hadda kuhawlanyihiin sidii colaada loo joojinlahaa, waxaana ilaa immika arintaa loo qabtay 6 qof oo lagu tuhunsanyahay inay ku luglahaayeen.

Guud ahaan qabaa,ilka ku dhaqan dalka itoobiya ayaa mudooyinkii waxaa ka socda isku dhacyo sobobay dhimashooyink iyo khasaare kale kuwaasi oo udhexeeyay qoomiyadaha wada degan taasi oo wali aanu wax xal ah aanay uhelin xukuumada raysal-wasaare abbey.

LASOCO WIXII KASOO KORDHA DAGAALADA KA SOCDA DEEGAANADA DALKA ITOOBIYA

 

 

COMMENTS
LINKS