Ururka Al Shabaab Oo Digniin Culus Udiray Dawlada Kenya Iyo Shacabka Ku Dhaqan Waqooyiga Bari Kenya. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Al Shabaab Oo Digniin Culus Udiray Dawlada Kenya Iyo Shacabka Ku Dhaqan Waqooyiga Bari Kenya.
February 27, 2020 - Written by Editor:

Muqdisho (W,N) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dowladda Kenya, iyagoo fariin u diray dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya.

Warbaahinta Al-Shabaab ayaa baahisay codka Afhayeenka ururka Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali dheere) oo arrimahaas ka hadlaya mudo ku siman 20 daqiiqo, isagoo sheegay in ay u damqanayaan dadka Muslimka ah eek u nool gobolkaas.

“Iyadoo laga duulaayo walaaltinimada Islaamka iyo soo celinta dhulalka islaamka ayay walaalihiina Al-Shabaab idiin soo gurmadeen si ay dhulkiina idiinku soo celiyaan, si aad u xorowdaan, aayihiinana ugu madax -bannaanaataan” ayuu yiri Cali Dheere.

Afhayeenka Al-Shabaab ayaa sheegay in haatan dowladda Kenya ay ku jirto xaalad rafasho ah, “Dadka Muslimiinta ah waxaan uga digayaa in ay Kenyaatigaasi garab u noqdaan”ayuu yiri.

Sidoo kale sarkaalkan u hadlay Al-Shabaab ayaa dadka ku nool gobolka Soomaalida ee NFD ugu baaqay in aysan ku kalsoonaan siyaasiyiinta gobolkooda ku metela dowladda dhexe ee Kenya. Oo uu ku tilmaamay “Fulayo aan wax damiir ah laheyn”.

Dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Waqooyi Bari dalka Kenya ee NFD ayuu Afhayeenka Al-Shabaab kula taliyey in ay isku tashadaan, “Waxaan kalsooni ku qabnaa in ay karti iyo aqoon ku filan u leeyihiin oo ay heli karaan macallimiin Muslimiin ah, dhaqaatiir Muslimiin ah iyo aqoonyahanno Muslimiin ah intaba, mana muuqato sabab ay ugu baahan yihiin Kenyaatiga” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Qeybaha dambe ee hadalkiisa Cali Dheere waxa uu uga hadlay weerarradii ay Al-Shabaab halka maalin ka geysteen saldhigga miluiteriga  Soomaaliya ee Ceel-saliini, Qoryooley iyo deegaanka Lafoole oo ka wada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere waxa uu sheegay in seddaxdii weerar ee maalinkaas ay fuliyeen dagaalamayaasha Al-Shabaab in ay ku furteen hub iyo gaadiid badan oo ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kale waxa uu sheegay in ay ku dileen askar badan.

Warka Cali Dheere waxa uu imaanayaa xilli weerarkii ugu dambeeyey ay Al-Shabaab waaberigii hore ee saakay ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Kenya ku leeyihiin tuulo lagu magacaabo Dabasiti oo hoos tagta degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay ku sheegteen warkooda in ay ku burburiyeen saldhiggii ciidamada iyo xarun ay deegaanka ku laheyd shirkadda isgaadhsiinta Safaricom ee ka howlgasha dalka Kenya.

 

COMMENTS
LINKS