Jawaab Celin Qoraalka Maxamed Baashe Iyo Samaynta Urur Uu Ugu Magac Daray BILAWGII MIDNIMO QARAN.W/Q; Khadar Ibrahim Aar. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jawaab Celin Qoraalka Maxamed Baashe Iyo Samaynta Urur Uu Ugu Magac Daray BILAWGII MIDNIMO QARAN.W/Q; Khadar Ibrahim Aar.
February 27, 2020 - Written by Editor:

Qoraalka Aqoonyahanku ugu magacdaray « bilawgii Midnimo Qaran » uma baahna in si fog oo xeeldheer Duxda iyo ujeedada rasmigaa ee ku jirta loo raadguro,balse waa fikir iyo cabiraad aqoonyahanka Maskaxdiisa mudaba ku duugnayd, waana sida ay isaga la tahayna in *malahiisa Somaliland misse Somaliya wax ugu hagagi’lahayeen.

Muhiim maaha in aqoonyahanka fikirkiisa lagu canbaareeyo turjumaad xuna laga bixiyo , lakiin waxaa daruuri ah in qoraal fikirkiisa mid wax ku ool ah laga qoro, iyada oo runta iyo xaqiiqda jirta aan marnaba la iska indha tirayn,loona iftiiminaayo dadka sahan-fikirka Maxamed iyo inta la qabtaa in ay meeldhaw wax ka eegeen.

Maxamed Baashe fikirka iyo dareenka Somaliwayn nimo ee uu qabo ee odhanaaya Koonfur iyo Waqooyi ha loo sameeyo hal Dawlad oo laba nidaam ku kala shaqaysa ,taas oo ula muqata mid faa’iido o leh labada dhinac.

Waxaa laga yabaa in dadka qaar qoraalkii Maxamed aanay fahmin,ay dhici kartana ay ay yidhaahdaan Maxamed sidan aad sheegaysaan wax uma wado ama qoraalkiisu sidan aad u cabirteen waa uu ka duwan yahay,taas waxa aan ka odhan lahaa, qoraalkii Maxamed maaha mid wax mugdiya ku jira ama tuhun iyo shaki lagu cabiraayo ee waa fikir uu sida dharaarka u iftiimiyey.

Qoraalkii Maxamed waxaa ka mid ahaa:

“”Marka la eego sida wax u yaalliin iyo is beddellada waaweyn ee Geeska ka socda, waxa soo baxaysa in la gaadhey xilligii la heli lahaa dad badheedhe cad iyo qorshe degsan yeesha oo horseeda aragti cusub iyo hawl-gallo jid cusub laangoynaya ama jeexaya, kana shaqaynaya raadin midnimo ka duwan tii lagu fashilmay 1960, markii dambena keentay burburka iyo is waaga maanta 30-ka sano laga soo kaban la’ yahay””.

Hadaba Maxamed waxa uu ka fikirayaa sidii taa loo helilahaa in Somaliland gudaheeda looga hawlgalo,iyada oo Xisbiyada Somaliland qaar ka mida loo jahayn karo ololaynta midnimo Somaliweyn,taasoo  loo maraayo nidaamka rabitaanka dad waynaha qaar ka mida iyo Dimuqraadiyada qaabkeeda isu awood sheegashada habka baarlamaanigaa.

Markaa Hadiiba ay dhacdo in la ogolaado mustaqbalka fog ,  waxa layidhaa furitaanka  ururka Maxamed iyo saxibadii ay ku haawaa-wiyayaan, ma iswaydiyeen waxa ka dhalan kara Somaliland gudaheeda,inta aanay uba gudbin hanki iyo himiladii isla doonashada labadii kala irdhowday ee Hargaysa iyo Muqadisho.

Hanyirida raali galinta aanu ka bixinayno ee ku abtirsata hadal haynta ‘hal Wadan oo leh laba nidaam’ waa xaqiiq aan macquul aheyn,” waa shax iyo habsiyaasadeed dadka waayadan danbe caqligooda iyo garashadooda lagu xado,  waxaanay hadalhaynteedu inagu soo badatay intii Madaxwayne Muuse xilka hayey ;waana nidaamyadii  Dawladii Taywan ka diiday dawlada Shiinaha.

Aaminaadda Somaliland ee ‘hal waddan iyo laba nidaam’ waxaa lagu cabiri karaa khiyaano iyo halabuurnimo siyasadeed oo lagu mija-xaabinaayo Nabada iyo horumarka Somaliland.

Inkastuu Maxamed aanu wax faahfaahina aanu ka bixin nidaamka iyo qaabka uu jeclaanlahaa in uu Somali ku midawdo, hadana waxaa hubaal ah in aanay marnaba fikirka midnimadu sharci ahaan aanu ka baxsanayn kan ay Dunidu si uun ugu heshiiso,kaasina waa mid Somaliland markasta hagardaamo iyo shirqool ku ah,waxaana astaan iyo sumad u ah oo aan la dhaafi karin Kalsoonidii iyo aaminaadii wakhti hore  ka luntay dadka Somaliland.

Dunida waxkasta waa laga heshiinkaraa,balse waxyaabaha aan heshiiska laga gaadhi karin waxaa ka mid ah,fikirka iyo dareenka didmo/Sas ee ay bulshu u qabto bulsho kale ,dhaqankeeda iyo caadadeeda aan isbedalka lahayn taasoo ku salaysan hab nololeedka Juqraafiga ah.

Sidaa awgeed Moodeelada iyo noocyada Dimuqraadiyadu waa mid aad farabadan una midabo badan, Somalilaanna way ku adkaanaysaa in ay yeesho Moodeelka Dimuradiga awood-quudhsigu ku dahaadhan yahay ,kaaso ah mid iminkaba saansaankiisu muuqdo ; waa halkii Muuse ‘’ma’anaa lay qarshaa,Mindiyo laygu qalidoono.

Maxamed Baashoow saxiib Maalinta Madaxbanaanida 18 may waxaan u dabaaldegnaa hadiyadda uu Ilahay na siiyey 30 sano kahor ,aasaaskii qarankeena weyn ee Somaliland.

Xorriyaddu waa shayga ugu qaalisan ee uu dadku helo ,waxaanay ka qalisan tahay nolosha lafteeda. Laakiin qiimaheeda dhabta ah dadka dhif iyo naadir ayaa garan karo dhadhanka iyo damcada ay samaynaso.

Dadka dhamaantii waxa ay kasoo tafiirmeen Awoowgeen Aadam NXK ,lakiin waxaa maanta qoomiyadaha iyo dawladaha ka dhigay waa xornimo raadsashada nolosha.

Xorriyadahu Dunida si tartiib tartiib ah ayey u baaba’aan. Waxana baabiiyaa waa waxyar , Xoriyadda xornimda Somaliweyn ee aad doonaysaa xornimo maaha, Xoriyada Somalilaana Dad fara badan ayaa naftooda u huray sidii aad adigu Maxamed ahaan xor u noqon lahayd,waanan huba in aad ka mid ahayd dadkaasi.

Haddii aadan Maxamed ahaan aqoonsanayn sida ay xorriyaddaadu qaali u tahay, oo aad uhiiliso fikirka u hiilinta iyo rabitaanka dadkale xoriyaddoonkooda , waxaad lumin doontaa xorriyaddaada qaaliga ah.

In qofku xoriyadiisa ka tanaasulaa waa shay aad u qiimo liita ;Somalilaanna waa hubaal in aanay aqoonsi helin muddo aad u badan,waxaana dhici karta in ay intaa iyo in kabadan kusii jirto sidan oo kale,balse taas macnaheedu maaha in aan tuuro inta aan haysto oo xoriyadu u horayso.

Niyad samida iyo farxadu waa waxa aad rumaysan tahay isla markaana aad haysato aad leedahay ,balse maaha waxa wanaagsan ee aad ka fikirayso,taas awadeed ma jecli adoonsiga fikirkayga waana midii aan ka xoroobay.

Inooma taalo sidee ayaynu Somaliya ugu biirnaa, Laakiin su’aasha inoo taala waxa ay tahay ,sidee ayaynu ugu rogi karnaa Somaalilaand mid waxtarleh,una soo saaranaa khayraadka ku duugan dalkeena.

Laakiin taasi waxa ay ku imanaysaa in marka ugu horreysa waxa aynu haysano aynu kalsooni ku qabno, una hawlgalno sidii aynu siyaasiyiinteena uga dhigi lahayn kuwo halganka samirka dawladnimada inala qaata.

Macno malahan inaad ku faantaa xorriyadda iyadoo ay kugu xadidan tahay ,kaagana xidhan tahay xoriyad dadkale. Dariiqa madaxbanaanida Somaliland waxa  lagu xardhay dhiig. Joogtaynta madaxbanaanida Somaliland ayaa ka muhiimsan helitaanka Somaliweyn aan horayba ugu soo hungoobay.  Gabayaagii Carbeed waakii lahaa “”Ey xor ah ayaa ka wanaagsan libaax dhintay    كلب حر خير من أسد ميت

Waxaan xor u nahay in aanu daawano ficilladayadii dagaal ee aanu samaynay dawladnimadii ay noo dhashay. laakiin dadka Somaliland sidaas uma liitaan in ay dib u fiirsadaan jidkii Qodxaha lahaa ee ay doraad soo mareen.

W/Q :Khadar Ibrahim Aar.

France Paris

COMMENTS
LINKS