Marag Kale: Madax-banaani La’aanta Guddida Doorashadda (NEC) Ee Hadda Joogta. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Marag Kale: Madax-banaani La’aanta Guddida Doorashadda (NEC) Ee Hadda Joogta.
February 28, 2020 - Written by Editor:

Heshiiskii shalay nuxurkiisu wuxuu ahaa wuxuu ahaa in masuuliyaddii iyo waajibaadkii ay Guddida Doorashadda (NEC) lagu wareejiyo Guddida Farsmadda Maamulka Arimaha Doorashadda (TEMU) oo heshiiskani abuuray. TEMU waxay ka koobnaan doontaa 10 qof oo 3 ka mid ahi yihiin ajaanib aan cod lahayn.

Sidaa markay tahay waxay ahayd in Guddida doorashaddu dhinac ka ahaato heshiiskan oo Riyo-raac miiska fadhiyo. Guddida Riyo-raac baa awoodihii iyo masuuliyaddii qaranku u igmaday ayaa la wareejinayaaye ilayn’e. Siddee bay ciddi ogolaansho la’aantooda u wareejin kartaa iyagoo soo taagan. Aamuskoodu waa aqbal in ciddi u fadhiday meesha.Haddii uu fadhiyi waayay, waxay ahayd inuu uu cadeeyo in haba yaraatee cid Guddida Doorashadda ee Madax banaan ee uu madaxdda u yahay aanay ciddina awood u lahayn iney ku metesho heshiis iyo is-af-garad kale toona. Guddida iyo guddoomiyahooda toona kama hayno diidmo mana ay ka qayb ahayn saxeexayaasha heshiiskan shalay.

Haddaba yaa u saxeexay meeshana fadhiyay ? Siddii mucaaridku ku doodayeen ilaa bilowgii, Gudoomiye Riyo raac iyo Guddidiisu kama madax banaanayn Madaxwaynaha oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye. MW muuse inkastoo heshiiska uu ku saxeexay ‘Madaxwaynaha iyo Gud, Xisbiga Kulmiye’, haddana waxaa uu wakiil ka ahaa Guddida Doorashadda. Haddii Aaney sidaa ahayn, madaxwaynuhu marnaba ma ogolaadeen heshiis dhinacii Ugu muhiimsanaa (Waa Komishanka’e) ay ka maqan yihiin.

Waxaa wax lagu qoslo noqon doonta haddii Gudoomiye Riyo-raac iyo Guddidiisu hadlaan oo ay yidhaahdaan “Heshiiskaa” qayb kama ahin taas oo loo arki doono in MW Muuse Biixi, gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye uu ku badhi -furayo axdigii uu la qaatay axsaabta iyo beesha caalamka

Mucaaridku iyagu marka horeba waxay aaminsanaayeen imika iyo horena u cadaatay in MW Biixi uu yahay cida taladda Guddiddu Doorashaddu ka go’ddo, isagii uun baanay la heshiiyeen oo kama filan karno iney Riyo-raac raadiyaan. Markaa heshiiskii shalay waa cadayntii ugu waynd uguna dambaysay ee ka marag kacda is barkannaanta Xukuumada, Komishanka iyo Xisbiga Kulmiye. Waa cadayn qoran oo ka marag ah madax-banaani la’aanta Guddidan. Hore waxaa iyaguna cadeeyay Guddidii Ganacsatada ee dhexdhexaadinta ka waday.

Gabo-gabaddii waxaan ku talin lahaa in Guddidan u banayso guddida farsamaddu noqoto waxa ay yihiin “Guddi Doorasho” oo sharciyaddii iyo madax-banaaniddii iyo kalsoonida shacabka iyo dadkaba la ilaaliyo. Macnaha waar way cadahaye, is-casila waa fursadda keliya ee aad haystaan mudanayaal. Sidaas baa qaranka guushiisu ku jirtaa. Sidaas baynu kaga baaqsan karnaa xasilooni darro ka dhalata murug awooddeed oo dhex-mara laba guddi oo masuuliyaddahoodu iyo awoodahooddu aanay kala xadaysanaynin kalana cadayn

QALINKII; Aqoonyahan Xamse Cabdiraxmaan Khayre.

COMMENTS
LINKS