Xisbiyada Qaran Baryahan Danbe Heshiiskoodu Wuxuu Ahaa Sidii Heshiisyadii Ceel Afwayn”Q/W;Qalinkii; Boodhari | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xisbiyada Qaran Baryahan Danbe Heshiiskoodu Wuxuu Ahaa Sidii Heshiisyadii Ceel Afwayn”Q/W;Qalinkii; Boodhari
February 28, 2020 - Written by Editor:

Xisbiyada Qaran Baryahan Danbe Heshiiskoodu wuxuu Ahaa Sidii heshiisyadii   (Ceel Afwayn) oo markay wax ku heshiiyanba Qolaa heshiiska ka baxaysay shalayna heshiis adag oo kama danbays ah oo  wakhti go’an iyo heshiis go’an  leh may gaadhin ee bal markan hakaga dhabeeyan deg degna heshiis rasmi ah oo mudada la qabanayo leh ha gaadhan. Filmkan dheer Eey kolba inoogu soo cel celinayaa inbadan ayaan daawanee haynaga daayan oo barina yey filmka inoogu matalin (Saami Qaybsigii Gobolada iyo Qabiilada) ee Karaamadii iyo nidaamkii doorashooyinka ee Qaranka Jamhuuriyada Somali land meel ayey kaga dhaceen  oo hoos ayey u dhigeen aduunka oo dhana wuu inala yaaban yahay qaabkan ay saddexdii xisbi Qaran isku haystaan shicibkuna u daawanayaan,

iyadoo masiirkoodii laysku dul haysto si aan nidaamka iyo sharciga aynu dhiganay waafaqsanayn. Hadaba heshiiskan ay shalay gadheen saddexda Xisbi Qaran waan soo dhawaynayaa iyadoo sharciga la raacayo oo Gudiga doorashooyinka ee labada Gole ansixiyeen oo iyagu  sharci ahaan haysta awooda qabashada dooraahooyinka Qaranka lagu darayo Guddi ka kooban beesha caalmka iyo Guddidii hore ee khibrada waayo aragnimo u lahayd doorashooyinka si ay inoogu qabsooman doorashooyinkan # Golaha deeganka iyo  Golaha wakiilada ee saddex jibaar dhaafay wakhti xileedkoodii iyadoon duroofo ama Aafoyin Qaran jirin ooynu u qaban kari waynay, balse ay jiraan dane shaqsiyaad dano gaara leh oo intaaba dib u dhigayey doorashooyinka.

Hadaba haddiiba ay run ka tahay saddexda Xisbi Qaran inay heshiiyeen ooy Dalka iyo Dadka ka utudhayaan waan soo dhawaynayaa waanan ugu hambalyeynayaa, waxaanan leeyahay caano daatay dabadood la qabay ee in badan oo idinku filan waad isku kaaya dul jiijidateen ee imika iyo haatan si aad shicibkiina ugu raali galisaan karamadii iyo sharaftii Qarankana u soo celisaan waa inaad sida ugu dhakhsaha badan heshiis mudo cayiman oo doorashada la qabanayo u gaadhan, ugana shaqaysaan sidii aad u dhamayn lahaydeen cabashooyinka (Gobolada iyo Saami Qaybsiga) oo iyaguna murankoodii iyo cabashadoodii halkii wali taagan tahay oo iyana ah cawaqib kale oo isna idin hor istaagaya markaad heshiiskan dhamaysaan  oo yaanan bari maqlin hadana doorashoyinkii dib ayey u dhaceen oo waxa  laysku haystaa Saami qaybsigiiddii Gobolada iyo Qabiilada.

Gabagabadii hadalkayga waxaan kusoo gabo gabaynayaa oon leeyahay Saddexda Xisbi Qaran waar danihiina gaarka yay idinkala waynaan Danta Dalka iyo Dadka ee marwalba tiina gaarka ah dib u dhigta oo Danta Dalka iyo Dadka Jamhuuriyada Somali land ka horeysiiya, horena halooga socdo halkan maanta aan taaganahay. Xisbiyadan Qaranka eed Reeraha ka dhigteena hada waa Xisbiyo reereed ee ku soo celiya Xisbiyo Qarankoodii oo Dadka reer Somali land eed reer reerka ukala qaybiseena isku soo dhaweeya oo tusa inaynu nahay Dal iyo Dad Qudha. Haddii heshiis waara oo Dalka iyo Dadka anfaca oo doorashooyinka lagu qabto laydinka waayo waa inay  saddexda Xusbi Qaranba ina dhaafan intan wixii ka badan waa ceeb iyo doqonimo. Waxayna sharaf dhac iyo Qaran jab ku tahay Qaranka Jamhuuriyada Somali land, iyo nidaamkeena Dawladeed.

Allah Mahad leh.

Qalinkii; Abdi Rahim Ibrahim Ahmed (Boodhari)

Email. ahmedsaafi2014@outlook.com

COMMENTS
LINKS