“Ma Ilduuf Nololeed Baa Ina Helay, Mise Arad Aqooneed?W/Q;Maxamed Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma Ilduuf Nololeed Baa Ina Helay, Mise Arad Aqooneed?W/Q;Maxamed Dhimbiil.
March 2, 2020 - Written by Editor:

Aduunkani waxa uu ka bilaabmay Aabo iyo Hooyo kaliya oo Ahaa Nebi Adem cs iyo Xawa , waxa ifka lagu soo tuuray iyaga Oo qaawan , waxaa loo keenay sabab iyo macno weyn oo looga Soo saaray janadii iyo halkii ay ku noolaayeen sababihii doonaa Ha jiraane , waxa ay bilaabeen noloshii oo midiba dhinaciisa Qabtay , waa ay tarmeen , noloshooda iyo ujeedada aduunka Loo keenay waxa ay sidaa cilmi dhan oo adiga laguugu talo galay.

Noloshu way soo socotay oo jiilba jiilba buu u soo dhiibayey , Nebiba Nebi kale ayaa ka dambeeyey ilaa la soo gaadhay taariikhdii uu noolaa Nebi Nuux cs oo marlabaad aduunka uu Alle swt biyo ku rogay markii laga baydhay amaba la garan waayey ujeedadii nolosha ee aduunka loogu noolaa , halkaasi waxa ka bilaabmay noloshii labaad ee Ilma Nebi Adem oo ka unkantay intii raacday Nebi Nuux , dad iyo nooleba kaleba , sidaasi ayey u soo socotay oo loo tarmayey oo aadamuhu u waday isbadelka nolosha iyo waxii uu ku soo kordhinayo ilaa la soo gaadhay maanta oo Ilma Nebi Adam aqoon iyo aragti marba marka ka dambaysa usii siyaadayso oo horumar la sii gaadhayo.

Dadka dunida guudkeeda ku nool sidii ay dhibtu ugu soo kala horeysay ayey u kala fikrado iyo dedaalo bateen , waana halka ay ka timid aqoonta iyo horumarka aduunka guudkiisa yaalla maanta oo marka horena ka timid samada , sababta oo ah noolaha , ma noolaha iyo xayndaabkiisa ayaa ah aayado muuqda oo lagu garanayo in aduunka macno weyni ka dambeeyo , marka laga reebo waxii si cad oo samaawi ah u yimid inta kale dedaal bay ku timi iyo ujeedooyinka weynuhu ka lahaa.

Isbadelada kala duduwanaa ayaa aduunka marba cidi sareynaysay cid kale oo sareysaysana baaba’aysay , arimahani ayaa iyaguna ahaa aayado iyo mucjiso nool oo Adamaha la tusayo awoodaha ilaahay iyo asbaabaha dhacdooyinkani sababayaba oo u baahan wax ku qaadasho iyo in laga faaiideysto oo aad loogu fiirsado si loo buuxiyo ujeedooyinka nolosha iyo kaalmaheega u baahan buuxinta iyo kaa faaiideysiga waxyaabaha ku xeeran ee maalinwalba dhacaya.

Haddaba aqoonta inaga ina soo gaadhay ayaa ah , sadex qaybood marka aan daraaseeyey oo kala ah 1- Aqoon deegaanka iyo sida aynu ugu noolaanaynaa ina bartay oo aynu kala dhaxalno. 2- Aqoon samaawi ah oo uu Alle keenay oo ah kutubtii iyo waxii nebi muxamed ka tagay scw 3- Aqoon maadi ah oo ku timi dedaalkii aadamaha iyo tuujintii maskaxaha dadkii hore oo marba wax lagu sii kordhiyo oo halkii ay taagnayd kor looga sii qaado.

Dhaliisha aynu leenahay ayaa ah in aynaan aqoontii deegaanka iyo noloshu ina bartay aynaan sii wadin oo hore u marin , waana sababta aqoon kale oo 90% aan ku haboonayn deegaankeena iyo nolosheena aan u barano , iyada oo aynu ku qasbanahay cida abka u leh waxa aynu baranayno in aynu daba socono oo la ina hogaamiyo duruufahani jira awgood , hada ogow aqoontani waata dhalisay in qaaraduhu kala horumaraan oo dadku isdaba socdaan , inta badan kumaynaan salayn goobta aynu ku noolahay iyo waxa ay nolosheena ka anfacayso inaga ahaan.

Marka aad dib u raacdo taariikhda waxa jirtay maalin qofka Somaliga ahi aanu aduunka kale 99%  waxba uga baahnayn laakiin aduunku isaga u baahnaa , maalintaa waxa aynu nooleyn noloshii dhabta ahayd ee dhulkeena iyo dadkeena anfacaysay , waa laguu yimid oo waa lagaa raray ama lagaa dumiyey taadii si aad tu kale u qaadato una hogaansanaato , waxaa lagugu abuurey baahi aad bakhtiyeyso hadaad

Aduunka kale ku xidhnaan waydo , waxaa aad noqotay suuq cidwaliba wax keento oo aan isagu waxba cidna u geyn intani waa ujeedooyinka gumeysiga laga lahaa ee aduunka la isku qabsanayey.

Waxa la abuurey cadaawado iyo dagaalo aduunku wada galay oo dano la isku haysto ay ka mid tahay dhaqaale , isku awood sheegasho iyo aduunka yaa ka talinaya , laga yaabee in aynu nahay kuwa la isku haysto ha yeeshee waxaa si dadban oo dano ku jiraan laguugu qasbi in aad cid dhinaca saarto oo dagaal aanad ujeedooyinkiisa garanayn gasho riiqdiisa iyo dhibaatooyinkiisuna ay suuragal tahay in ay qarniyo ku daba socdaan oo hagardaamo uun aynu ka dheefno.

Isku soo wada xoori ma ilduuf nololeed baa inagu dhacay mise arad aqooneed baa ina haysta , waayo maalintii aanay Somalidu aduunka waxba uga baahnayn iyo maanta oo aynu aqoon sheegano keebaa aynu aqoon badnayn bal isweydii , waxa kale oo aad isweydiisaa aqoontan aan waxba ka soo saarayn deegaanka aynu ku noolahay,  nolosheenii waxba uga badali weyday sida kuwa inoo keenay aqoontan ay ugu horumareen , laakiin inoo noqotay quutal daruuri qofwaliba ku qasban yahay hadii uu waayona uu noqonayo mid aan qadaynayn ama nolosha ku qasaaray taasi oo sababtay tartan ku jihaysan meel aan aheyn halka aynu ku noolahay iyo hiigsi aynu cid kale daba socono.

Waxa aynu lahayn nolol dhamaystiran oo isku filaansho ah , waxaa keenay aqoon aynu lahayn oo u baahnayd in tacab iyo tabar la galiyo si aynu u ahaano umad la hiigsado oo wax hogaamisa , ee may ahayn in aynu labadaba ka guurno oo tu aynaan garanayn marqudha u wada guurno , waana la inoogu talogalay oo cid baa qaabaysay in aynu sidan noqono , ilaa maantana isma weydiino horta maxaa la idiin hogaamiyaa ee aad wax u hogaamin waydeen , waayo la inagama dal wanaagsana , la inagama dad wanaagsana la inagama khayraad badna la inagama xoolo badna laakiin waa la inaga caqli batay !

Waana sababta maanta aduunka uu u jiro gumeysiga maskaxeed ee socdaa , waanu soconayaa ilaa inta aynu garanayno danteena iyo waxa aynu rabno iyo halka aynu u socono iyo waliba sida aynu doonayno in aynu nolosheena u qaabeyno mustaqbalka dambe iyo isweydiinta dhaxal aqooneed , nololeed iyo taariikheed maxaad uga tagi doontaan dadkiina dambe !

QALINKII; Muxamed Dhimbiil

Email: Somalilandstar@gmail.com

Mob: +252634429221

 

Hargeisa,  Somaliland

COMMENTS
LINKS