Garsoore La Dilay, Kama Duwana Somaliland Kaneeco La Dilay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Garsoore La Dilay, Kama Duwana Somaliland Kaneeco La Dilay!
March 4, 2020 - Written by Editor:

Waxaynu Saxaafadda Qaar ka maqallay in guddoomiyihii maxkamadda gobolka Sool lagu dilay bamb baabuurka loogu xidhay. Waa arrin sida la sheegay aan weli hore uga dhicin geyiga Somaliland. Waana fal argagixiso. Oo cabsi wayn ku keeni kara masuuliyiinta gobolka Sool.

Waxaase la yaab leh in dawladda Somaliland afka ka xidhatay oo ayna haba yaraatee soo hadal qaadin.

Xaakim la dilaa macnaheedu waa dimuqraadiyadii Somaliland oo la soo weeraray. Waxaa la weeraray 3dii dhadhaar ee dawladnimada Somaliland ku taagnayd mid ka mid ah, oo ah garsoorka. Waa weerar qaranimada Somaliland lagu soo qaaday.

In xukuumadda, golayaasha iyo shicib waynaha Somaliland Arrintaa ka gilgishaan ayay ahayd. Waa arrin u baahan in weer laga xidho, oo lagu dhaarto in dhagar qabayaashii dawladnimadeena hadhka cad soo weeraray, gacan bira lagu soo qaban doono.

Waa haddii ninka loo dilay shaqada uu dadkeena iyo dalkeena u hayay awgeed. Dee haddiise loo dilay arrimo shaqsiyeed ama qoyseed oo shaqadiisa aan lug ku lahayn waa in dawladdu dadka u sheegtaa.

Waxa iyana cajiiba inaan hay’adaha ammaanku sooba hadal qaadin arrintan. Bahda garsoorku oo uu hormood ka yahay guddoomiyaha maxkamadda sare mabay tabinba in shaqsi iyaga, ka mid ah fal argagixiso ah lagu dilay.

Ma sidaasay masuuliyiinta Somaliland u qiimo daran tihiin.  Ummad aan madaxdeedu qaddarin iyo waynayn lahayn, iyana qiimo iyo meeqaam kuma laha adduunka.

Hadduuna dilkani jirinna, waxay ahayd in dawladdu si degdeg ah u beeniso.

Waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa qoyskii uu ninkaasi ka geeriyooday. Waa nasiib darro inaan cidiba dalkeena geeridaa naxdinta leh ee ku timid qoyskaa lala dareemin oon lala wadaagin, isagoo masuul Qaran ahaa. Tolow carruur yaryar ma ka tegay? Qarankuse ma kafaala qaadayaa agoontaa, aabbahood u dhintay Qarankan awgii?

Wa Billahi tawfiiq,

QALINKII; A. Amir Bidde

COMMENTS
LINKS