Faah-faahin:Afar Walaalo Ah Xilal Qaran Ma Wada Qaban Karaan?Prof Cabdi Cali | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Faah-faahin:Afar Walaalo Ah Xilal Qaran Ma Wada Qaban Karaan?Prof Cabdi Cali
March 6, 2020 - Written by Editor:

Ka Maarmi Mayso in Aan faah faahiyo, maadaama qof waliba sida uu jeclel yahay u qaadanayo marka hadalku kooban yahay. Dadka waxan waydiiyay su’aal sharciya, bal in ay jirto wax sharciya oo diidaya in xilal loo magacaabo dad caa’ilad ah. runtii Dadku xaggii sharciga dabada ayay ka soo giijiyeen, maxaa Yeelay way ogyihiin halkaas in aanay qiil ka helayn.

Waxay u carareen halkii u bannaanayd oo ah xagga siyaasadda; Waxay yidhaahdaan macquul ma aha siyaasad ahaan in sidaa la sameeyo; waan ku raacsanahay aniga laftaydu in aan la liqi karayn in dad isku caa’iilad ah laga buuxiyo xilalka Qaranka, gaar ahaan kuwa magacaabista ku yimaadda; haseyeesee dadka ila fikirka ah iyo anigu waxanu doonaynaa in bisaylkeenu gaadho in afar walaalo ah xilal Qaran oo sar sare loo magacaabi karo, haddii uu ku qanco qofka magacaabayaa in ay tayadoodu sarrayso. loogana maarmayn xilalka noocaas ah.

Sidaa darteed, waynu isku waafaqsanahay in maanta aynaan halkaa joogin, laakiin waxan ka xumahay in qaarkeen doonayaan in aynaan halkaa dhaafin isla markaana ay rabaan in ay sharci ka dhigaan in qabyaalad wax lagu qaybsado; haddii ay ku celceliyaan saw daw noqon mayso in la xasuusiyo in marxaladdani ku meel gaadh tahay, beelo wax ku qabysiguna aanu sharci ahayn ee uu xal yahay; lana rabo in hore loo socdo; haddii aan sidaa la samayn saw caruurta yaryar ee Social media ha inagula jrtaa u qaadan maayaan in sidani tahay sidii saxda ahayd!! teeda kale waxay noqonaysaa in aynu qoranay Dastuur ka soo horjeeda dhaqankeena iyo qaab fikirkeena oo aynaan qaadi karin.

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS