Masuul Mudan Hambalyo Oo Ku Suntan Waxqabadka Wajaale. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Masuul Mudan Hambalyo Oo Ku Suntan Waxqabadka Wajaale.
March 7, 2020 - Written by Editor:

Mursal Nuux Cismaan waa maayar ku xigeenka degmada TOg-Wajaale waana shaqsiga horseedka ka ah ee ku suntan dhamaan waxqabadka ka hirgalay magaalo ganacsiyeedka Tog-Wajaale.

Sida dhismaha dhakhtarka degmada,biyo galinta magaalada wajaale,iyo hirgalinta wadooyinka bilicda san ee la dhex mariyey magaalada wajaale.

Mursal nuux cismaan  waa nin dad la dhaqan leh oo inta badan ay ka mahad sheegtaan bulshada degmadu oo ku xidhan qaybaha kala duwan ee bulshada haday dhalinyar noqoto iyo haday waxgaradka iyo waayeelka magaalada noqoto.

Mursal waa shaqsiga meesha ka saaray khilaaf Had iyo jeer ka dhex taagnaan jiray maamulka degmada Tog-Wajaale isaga ka hor intii uu xilka hayayna si fiican ayuu maamulku iskula jaan qaaday taasoo suurto galisay horamarka ka taaba galay wajaale.

Si kastaba ha ahaatee mursal nuux cismaan waa masuul dhalinyaro ah oo leh mustaqbal siyaasadeed iyo himilo halkan ka saraysa isla markaana kaalin firfircoona ka soo qaatay ololihii iyo kaambaynkii xisbiga kulmiye  ee lagu soo doortay madaxweyne muuse biixi cabdi.

Hambalyo mursal nuux cismaan

BY;

 

 

COMMENTS
LINKS