Ganacsade Maxamed Siciid Iyo Madaxweyne Biixi Dagaalkooda Daawadde Baynu Ka Noqonaynaa!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ganacsade Maxamed Siciid Iyo Madaxweyne Biixi Dagaalkooda Daawadde Baynu Ka Noqonaynaa!!
March 8, 2020 - Written by Editor:

Ganacsade Maxamed Siciid Waa Nin ku khamaari kara Lacagtiisa si badheedh Ahna u Cadeeya Cida Uu Taageero Siyaasadda.

2009 kii waxa uu la safnaa madaxweyne Rayaale waxaanu lacag badan ku bixiyey inuu furfuro xisbigii mucaaradka ahaa ee Kulmiye, waxaanu Rayaale u ballanqaaday Fiber optica oo uu isagu maalgashanayey waxaanu barigiisa is hayeen Dalcom oo ay Telesom wadatay.

Dabayaaqadii 2009kii ayey isku dhaceen Rayaale ka dib markii Dalcom iyaguna maalgaliyeen Rayaale,taas waxay sababtay inuu Maxamed aw Siciid taageero Axmed Siilaanyo, waxa loogu bedelayey in kooto loogu xidho cable badda hoos mara hadii uu kulmiye maalgashado.

Maxamed aw Siciid wuxuu dagaal dhaqaale badan kaga baxday ku qaaday Rayaale, waxaanu lacag badan galiyey soosaarista Axmed Siilaanyo.

Axmed Siilaanyo wuxuu oofiyey ballanqaadkii uu u sameeyey waxaanu kooto uga dhigay 2011 xadhiga badda hoos mara ee Fiber optic muddo sodan sanno ah taas oo laga ansixiyey baarlamaanka.

Waxa uu xadhigii soo mariyey dhulka lowyo cado illaa laascaanood, taas oo uu lacag badan galiyey, kharashka kaga baxay shaqada waxa ka daran ka kaga baxday odayaasha deegaanka uu xadhigu marayo suldaan illaa caaqil uu lacag iyo Gaadiid iskugu daray si ay u difaacaan xadhiga deegaankooda maraya.

Wakhtigii Silaanyo waxaan xasuusta maalin aan gurigiisa ugu tagay illaa sagaal wasiir oo isaga la jooga, wasiir ka mid ah ayaa yidhi xaaji shirkii golaha wasiirada la mooda siday wasiiradii u joogaan gurigaaga ee na shirgudoomi isago kaftan ka dhigaya.

Madaxweyne Biixi soo bixitaankiisa lacagtii ugu badnayd buu ku bixiyey isagana maalgashaday mar hadii uu danihiisii farogaliyey waxaynu sugnayaa in sidi Rayaale uu ula dagaalamay uu Muusena ula dagaalami doonno.

Sidoo kale Ganacsade Maxamed Aw Siciid sida la sheegayo iskuma fiicna hadda madaxweyne Geelle oo waxa uu ku bedeley Dahabshiil, taas oo caqabad ku noqonaysa Maxamed maadaama oo Jabuuti ahayd meesha uu ka soo dagaalami jirey.

Sida caadadda ahna Jabuuti door ba ninbay hawada ka saartaa hore waxay uga saartay Axmed geelle, maantana waa Maxamed Aw siciid.

Maxamed Siciid wuxuu dagaalka gali doonaa isagoo aan la garanayn awoodiisa  dhinaca Jabuuti.

Cable kan Cusub ee Jabuuti waxa share yar laga siiyey Dahabshiil, marka dhinaca Somaliland usoo gudubtana dhawr shirkadood baa share ku wadaagi doonna oo xukuumadana ka mid noqon doontay saamileyda kaybalkaasi la keeni doonno.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR

HARGEISA SOMALILAND

 

COMMENTS
LINKS