Haddii Somaliland Lagaga Adkaadey Diblamaasiyadii Dhinaca Itoobiya Saw Ma Aha In Ay Gacan-saar La Yeelato Kiiniya Iyo Dalal Kale Ee Afrika! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Haddii Somaliland Lagaga Adkaadey Diblamaasiyadii Dhinaca Itoobiya Saw Ma Aha In Ay Gacan-saar La Yeelato Kiiniya Iyo Dalal Kale Ee Afrika!
March 11, 2020 - Written by Editor:

Waa Muhiim in aad Gacan-saar Siyaasadeed iyo Mid Dhaqaaleba la Yeelaataa Dalalka Dariska iyo Kuwa Geeska Afrika,Sida dalka Kiiniya, iyo Wadamada Kale ee Afrika waa Marka aad aragto inaan Waji Fiicani kuu oolin Dalweynaha aynu Xuduudka la leenahay ee Itoobiya, oo Dhinacii Siyaasadii iyo Xidhiidhkiiba ay boqolkiiba Boqol kaala Wareegtay Dawllada Koonfurta Somaaliya Khusuusan Raysal-Wasaare Aby Ahmed iyo Madaxweyne Farmaajo oo gacan-saar toos ah wada yeeshay taas oo macnaheedu yahey in Xidhiidhkooda Diblamaasi aad uga duwanyahey, sidii Awal hore.

Waxaa Maalmahan Soo baxey in Wargeysyada Waaweyn ee Kasoo baxa Dalka Itoobiya Sheegeen in Dawllada Itobiya ka baxeyso, Heshiiskii Dekedda Berbera Muhiimadu ma Waxey tahey in Qoralaakaasi Madaxda Somaliland ka Jawaabto, mise waa in ay Warkooda ka jawaabaan Madaxda Dawllada Itoobiya?

Su,aashaa Jawaabteeddu inakuma adka Sababtoo ah hadii aan Warkaasi Xaqiiq aheyn, ama aanu jirin Waxay aheyd in ay ka Jawaabaan Madaxda Dawllada Itoobiya Sababtoo ah Waxa cadeyd in Heshiiskii Sadex Geesoodka ahaa ee DP-World oo Dawllada Imaraadka ka Socota iyo Dawllada Itoobiya, ku galeen Dekedda Berbera uu ahaa Mid Somaliland Masuuliyadiisa laheyd, oo go,aankiisu ka go,ayay Somaliland  laakiin hadda taa Wax iska badeleen gacanta ugu Weyn halahaato Dawllada Itoobiya oo Macno Cusub ka damacsan Xidhiidhkii u Dhexeeyay iyada iyo Somaliland, sidaa daraadeed Miyaanay Somaliland iyo Xukuumaddan hadda talada haysa la Gudboonayn in ay joojiso Guud ahaanba Xidhiidhka Ganacsi ee Wakhtigan inoo Dhexeeya Dalweynaha Itoobiya haba ugu yaraado, Ganacsiga Qaadka oo maalin Walba Dalka Itoobiya ay uga Xerooto lacag Malaayiin Dollar ah hadey tahey Cashuurta Qaadka ee Dawllada Itoobiya u Xeroota iyo Tan Shacabkeedu qaadka ianaga iibiyo,Sidoo kalena aynu gabi ahaanba iska Joojino Khudaarta ka Timaada Dhinaca Dalka Itoobiya oo labadaa Badeecadoodba u Doono dalka Kiiniya, miyaaney aheyn Talaabo diblamaasiyadeed iyo fariin ku socota dalka itoobiya.

Soomaalidu Waxey Tidhaahdaa ‘Haddii Lagu Sheego Waa la isa Sheellaa hadii lagu Sheellana Waa la issa Sheegaa,Somaliland waa in ay maanta isa Sheegtaa in Faa,iidada ay Somaliland ku qabto in Aaney Ku Qabbin Koonfurta Soomaaliya Xidhiidhka Dhaqaale Ganacsi iyo Shacbi  ee ay Itoobiya la Leedahey Somaliland lama laha Muqdisho iyo Dadkeeda sidaa Awgeedna Halkaa Waxaa hortaala Xiligan Madaxweyne Biixi masuuliyad Adag oo looga baahan yahey in uu Talaabadeeda Qaado kuna dhiirado sidii uu isaga Dhicin lahaa in Loo tashaddo Somaliland iyo Isagaba, loogamana Baahna In Wasiir Faratoon ka jawaabo Wararka Joornalada Itoobiya Qoraan Somaliland In Talaabo Xukuumadeed

Wabilaahi Tawfiiq

Najiib Ismaaciil Maxamed

Somaliland Gabiley

Tell:0634466339

 

COMMENTS
LINKS