WAJAALE NEWS

Sheekh Jabir Oo Mudo Laga Joogo Sadex Sano Wax Ka Qoray Hargabka Iyo Noocyadiisa Kala Duwan

Qaramadan ayaa ka waramaysa xaaladaha hargabka cusub ee aduunyada ka soo ifbaxay haseyeeshee shaakh jaabir ayaa qalinka u qaatay mudo laga joogo sadex sanadood wakhigaasi oo uu bulshada u soo bandhigay halis uu leeyahay hargabku.

Waxana qormadu u dhignayd sidan:

HARGABKA IYO QUFACA
Intii aadamuhu kusoo dhaqnaa aduunka dushiisa marka lagasoo biloobo maalinna muu cudur iyo xanuun waayin, haa balse cudarada ugu faca iyo taariikhda wayn waxaa kamid ah HARGABKA kaasoo leh qufaca iyo xumada aadka u daran (pertussis) xiiq dheer ama (whooping cough) ama qufaca diiga.

 

 

Ninba dhinaca uu ulakacaba waa xanuuno iskumida hadana farqi yari u dhaxeeyo,sidaa darteed bal maanta qormadeenan caafimaad hadii aan si kooban ugu eegno hargabka noocayadiisa iyo xalkiisa hab kamida aan kusoo dhawaano mawduuca.

Hargabka marka loo kala saaro qof yar iyo qof wayn siduu ugu kala daran yahay waxa noocan maanta aan kawaramayaa yahay kan halista ah ee marka uu ilmuhu dhasho lakawsado noloshiisa waana hargabka wata qufaca iyo xumada iyo mataga iyo naqska oo ilmaha ku xidhma, waxaanu ku badan yahay xiliga dhaslashada ilaa waxii lix sanno gaadha caruuta, waxaanu halis usii yahay ilmoba ilmaha uu ka yar yahay,taasi oo meelaha loo aaneeyo inuu ka yimaado ay tahay qabaw iyo nadaafad daro lasoo darista ilmaha xiliga uu dhasho ilaa halsano,waxii boodh iyo dust ah ee ilmaha soo gaadha sankiisa iyo afkiisu waxay markaaba keenaan bakteeriyo u gudubta qasabadaha hawada ee curdinka ah (bordetella pertussis) taasi oo marka hore uu xanuunku ka bilaabmo duri hargab ah oo ilmuhu uu keeno cabudh iyo duuf uu sankiisu xidhmo labada wiig ee u horeeya ilaa intay korayso virus kani, marka ay sambabadu bakteeriya sameeyaana waxay keenaan qufac angagan oo shanqadha ilmaha laabtiisa ka baxaysa la maqlo,xaaladan qeexista noocan leh iyo tafaashiishan waa wax intaas oo qudha cilmiga iyo caqliga oo iskaashaday ka garanayo lkn wali lama hayo in habkani oo qudhi yahay kan xanuunku ka bilaabmo, sabatoo ah waxa jira xaalado kale oo kusoo boodo iyo dagdag wata iyadoo la arkay ilmihii oo saacad kahor caafimaad qabay oo naqasku hayo neefsan kari la isla markaana bararay khaasatan xiliyada saqda dhexe ee habeenkii ah waxaana taas loo aaneeyaa (elargic ) xasaasiyad balse laguma soo koobi karo in xaalku dhab ahaan sidaas yahay, dhakhaariirtuna badanka ma warramaan ee dawuunbay qoraan ama xaalka basiid ayay ka dhigaan taasi oo sababta dhimashada dhalaan badan saacad walba, aqoon darrada haysata ummad iyadaa mudan in la daweeyo cudurada kahor, waayo waxaa nolosha maanta jirta 89% ay kaduwantahay tii jirtay 30 sanno kahor, taasi oo isbedekan jiraa maanta wato mid u dhigma 200 oo sano si aanay aduunyadu isku bedelin, waxaana taas ku tusa aqoonta iyo waayo aragnimada ay leeyihiin hooyada iyo aabaha maanta nooli,hadii tusaale laguu soo qaado ogow in hooyada iyo aabuhu maanta ay ka dhal badan yihiin waalidiintii dhashay iyaga, isla markaana ay ka da,a yaryihiin isla marakaana ay ka aqoon yar yihiin , xiliga ay kusoo beegmeena ka cuduro badan yahay xili kasta oo lasoo maray, ilaa heer hawadu wasakhawday dawooyinkuna ay iyagu intay dawo ka tageen cudur noqdeen.

Tababar lasiiyo hooyada diyaarka u ah inay ilmo dhasho waxay sare u qaadi kartaa inuu dhasho ilmo u adkaysan kara inuu xamilo nolosha uu caloosha ku korayo inuu badbaado xiliga uu uurka ku jiro sifiicana u dhasho sifiicanna u koro,taasi oo dhami waxay ka iman kartaa dariiqa ay marto hooyada da,da yar ee ubadka maanta dhalaysaa.

Tirakoob dhawaan lasameeyay waxaa la arkay in maalin walba uu saacad kasta sadexdii qoysba ilmo ka fashilmo uurka kasoo dhacaa halka todobadii qoysba maalin walba ilmo dhinto ama ka jiifo, sidoo kale dudurada aan la garanayn ee curuurta haya waxay qoys kasta ku hayaan faro baas, haday noqoto mid afrika jooga iyo haday noqoto mid qurbaha jooga ama lagasoo celiyay.

Hooyada aan cunin,quudan cunto tan ku habboon ee ay ugu adkaysan karto uur cusub waxay maalin walba khattar ku haysaa ilmo soo dhaca ama uurka ku buka ama dhalan kari waaya ama markuu dhasho kori waaya sababtoo ah hooyadu waxay cunto cabto kunooshay ayuu jidhku u gudbiyaa ilmahan bilawga ah ee caloosha galay taasibaana qasbaysa hooyada inay cunto ama hesho dawooyin ku habboon korinta nafteeda iyo tan ilmaha, si loo helo laba awoodood oo mar qudha wada kora, taas macnaheedu maaha cunto iyo sharaab iyo dawooyin iska buuxi balse waxa weeyi in dhakhtarkeeda ama aqoonteeda ama lataliyaheedu baro oo uu faro cuntaba waxii laga helo ee ay u baahantahay .

Waxyaabaha maanta inagu badiyay qaliinka lagu jeexyo hooyadu markay dhalayso waxaa kow ka ah hooyo iyo ilmo bilaa awood ah oo mid waliba tabcaan yahay waxaana HARGABKANI ku badan yahay labadan la isku qalay caruurtuna ku dhimataa hadaan la dedeelin oo aan la ogaan in ilmahani xumbo naashif ah yahay, hooyaduna afartii bilood ee udambeeyay qufacaysay.

Hargabka qabwga ka yimaada iyo siigada kacsan iyo hugufku waxuu wataa xanuuno badan oo saaxiib la ah sida TB ama kuwa ku dhaca ENT sanka dhagaha iyo cunaha waxaanad arkaysaa caruur aan hadlayn ama hadalka raajiyay iyagoo toban jir ah, aan waxba maqlayn ama cuntada aan cunayn ama qalqaali dhaafa oo aan fadhiisanayn, waxaasi oo dhami waa cuduro kasoo bilaabmay tayada hooyada,tan ilmaha, iyo waqtiga lagu jiro oo aanay dawo iyo cuntaba xumaadeen
Hargabkas iyo qufaca ayaamahan dambe wadanka ku jiray waxaa ina hayay qabaw darran iyo jiilaal iskaashaday oo saamayn ku lahaa yar iyo waynba markastoo saxadu xumaatana waxaa Iyana cirka isku shareera cudarada qaar sida hagabkan taasi rabta in la barto nidaam ay dantu keentay oo lagu wajaho xaaladan oo kale waxaana kaw ka ah in dhamaan heegan la galiyo dhakhaatiirta takhasuska uleh xaaladahan siiba kuwa caruurta oo 24 saac furnaadaan goobahoodu isla markaana ay waalidiintu dhaqso u geeyaan ilmahooda uu hargabku ku sii kordhayo ee dawadu wax u tari laadahay, sidoo kale waa in la ilaaliyo dawada wadanka soo galaysa ee loo isticmaalo hargabka tayadeeda, waa in la helo wada socod joogto ah si dhinac loogaga soo wada jeesto cudurada faafa,khaasatan isdhexgalka bulshadu meeluhuu ku badan yahay sida iskuulada iyo goobaha bulshada kulmiya, taasi oo lagu kaantarooli karo qofka buka,
Waxaa kale oo maanta qormadan aan ku xusayaa arrin intan dambe dadku cabasho wayn ka muujinayeen runtiina saxada iyo caafimaadka qaranka halis ku haya in dagdag wax looga qabtana mutayastay, waa booyadaha bulaacadaha iyo suuliyada qaada habeenkii oo aad yaabayso waxa ur qadhmuun oo aan la xamili karin ka baxaysa suuqyada iyo xaafadaha dhexdooda kuwaasi oo aan raacayn asluubkii iyo habkii lagu qaadi lahaa shaqadan ay hayaan, waayo waxay hawada racinayaan jeermiska noociisa kala duwan ee cudurada la kala qaado sababa kuwaas oo khattar ku ah fayo dhawrka guud ee ummada, mana jiraan dawooyinkii (chemical) ay ku shubi lahaayeen intaanay rarin alaabtan ama waxii naqaskan cabudhin lahaa ee afka ka dabooli lahaa bulaacada ilaa booyada, way iska qaadaan kaliya, waxa kale oo ay sameeyaan mana fogeeyaan oo durtaba magaaladaa gaadhay meeshay dhigaan,waxaana ay goordhaw daadka iyo dabayluhu soo qaadi karaan alaabtaas khattarteeda leh waxaana hargab iyo xanuuno la garan laayahay inoogu filan kuwaas dadkuna maanta waxay u noqdeen inay soo ceshedaan geedihii ay dhaqanka ulahaayeen ee toonta iyo basasha iyo malabka iyo xabaasuuda iyo haylka iyo qorofalka iyo sinjibiisha lahaa kuwaas oo safka hore kaga jiray difaaca iyo daawaynta hargabka

Qalinkii Jaabir

Exit mobile version