Doodda Mar Kale Midnimo (MKM)! Qalinka:Maxamed Haaruun. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Doodda Mar Kale Midnimo (MKM)! Qalinka:Maxamed Haaruun.
March 13, 2020 - Written by Editor:

Maxamed Baashe, oo ah suxufi, qoraa iyo suugaanyahan, isla markaana ahaa ciyaala Hargeysa qadiimi ah oo dhalintii xiligiisa ee sideetameeyadii qarnigii hore ka tilmaanaa; mar kale na ahaa dhalintii ka qayb gashay ololihii dhaliisha badnaa ee SNM; imika na ah qurbejoog ku dhaqan dhulka Ingiriis, ayaa dhawaan soo ban dhigay dood uu isagu koow ka yahay dadka hal-abuuray. Qormadan gaaban waxa aan ku falanqayn doodda MKM iyo sida ilaa hadda looga fal-celiyay, iyo waxa ay ka tari karto wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya.

Doodda MKM ee uu Maxamed soo ban dhigay, oo qoraal iyo hadal ba aan kaga bogtay waxa ay leedahay – Soomaaliya iyo Somaliland ba xaalad fashil ah ayaa ay dhex dabaalanayaan. Sidaas darted, waa in dib loo eego waaqica ay labaduba ku suganyihiin oo dhalanteedka labaduba ka baxaan, qorshe cusub na la abuuro. Dhinaca SL waxa uu yidhi gooni-isu-taaggii ma shaqaynaayo, wax aan khasaare ahayn na ma looga dhici doono. Dhinaca Koonfurta na waxa uu yidhi – sodon sanadood ayaa waxba la isku raaci waayay, oo la kala adkaan waayay, oo la is qancin waayay, oo Jiho na loo socon waayay, sidaas darted waa in kubadda dhulka la dhigo. Waa in caqligu shaqeeyo oo caadifadda gees la iska digo ayaa lagu soo ururiyay bayaanka Mar Kale Midnimo oo saxaafadda bulshada iyo saxaafadda caadiga ahi ba xoog u qaadaadhigtay.

Hadaba, amuurta xiisaha lehi waxa ay tahay, Doodda MKM aad iyo aad ayaa ay buuq uga abuurtay bulshada dhexdeeda iyo fagaarayaasha lagu kulmo ee Reer-Somaliland gudo iyo debedba. Buuqqaasi run ahaan ma noqonin mid ku salaysan dood iyo dood ka hor jeedda, keliya waxa uu noqday amaba u battay aflagaaddo iyo shakhsi weerar aan caqli ku fadhiyin oo Maxamed lagula kacay. Qofka aan doodahan qayb ka ahayn ee dusha ka eegayaa waxa uu u malayn karaa in aanay jirin dood micno leh oo laga hor geeyo doodda MKM iyo Maxamed Baashe, taasu na waa nasiib darro inteeda leeg. Qofka dood micno leh haysta, ee isu qaba in uu dhinacii saxda ahaa joogo, sabab uu u caytamo ama u xanaaqo maba jirto.

Tusaale ahaan, waddanka UK ee uu Maxamed degenyahay, waxa ka dhex aloosan dooddo iska hor jeeda oo ururo la yaqaanno oo xafiisyo lehi ay riixayaan. Dooddahaasi ma aha uun kuwo siyaasadda maamulka waddanka ku saabsan, ee waa dooddo taabanaaya wax kasta oo jira ba. Tusaale ahaan, UK in ay Yurub ka baxdo oo waliba aanay wax cilaaqaad ah oo noocnaba ah la wadaagin qaar baa qaba, wayna u suurowday ilaa xad. Qaar baa qaba in UK lafteedu ay sii kala baxbaxdo, waana xisbiyo iyo ururo jira oo la yaqaan, wixii Scottland ka dhacay baana marag u ah. Qaar baa qaba in Boqoradda iyo qoyska Boqortooyada laga takhaluso gebi ahaanba, waana dood xooggan oo jirta. Qaar baa ku doodda, oo had iyo goor la soo taagan in madowga iyo guud ahaan ba ajnabiga waddanka laga saaro. Sidaas ayaa wax kasta doodi uga taagantahay, mana la is ceebsado ee waa la is qanciyaa. Bulsho in ay dooddo, oo wax kasta ka dooddo ayaa quman, laakiin hadii aad aragto bulsho dooddu ku adagtahay, oo sas ka qabta, waxa ay astaan u tahay in ay bulshadaasi jabayso.

Si kastaba, doodda MKM waa mid mudan in la rogrogo, oo amuurta dhinacyo kala duwan laga eego. Ma aha in fikir la isku qoonsado oo dadka qaarkii miyir-beel ku dhaco hadii ay maqlaan wax aanay jeclayn. Waxa aanad jeclayn ayaaba ay dhici kartaa in dantu ku jirto, in aanay dani ku jirin na waa suurow, hadii aan la doodin se ma la ogaan karo wixii dan amaba dan darro ah. Tusaale ahaan, wada hadalka ay SL rabto in ay dawladda Fadaraalka ah la gasho, sinaba suurtagal ma u aha in waxa ay Hargeysa rabto oo 100% ahi ka soo baxo, sidoo kale waxa ay dhinaca kale doonayaan oo 100% ahi ma ka soo baxaayo. Taas micnaheedu waxa uu yahay, in ay dhinac waliba haystaan in ka badan hal dood ama fikradood oo kala horeeya, doodda Maxamed Baashe ee MKM na waxa ay qayb ka noqon kartaa fikradaha ay SL miiska keeni karto hadiiba wadahadal micno lehi dhaco.

Eeg, doodda ah nimanyahaw anaku waanu baxnayba ee warqaddii kala tegista uun saxeexa, taas oo dad badani ay u malaynayaan in ay tahay amaba ay noqoto saldhigga doodda SL, waa mid jaban oo aan sinaba suurtagal u ahayn. Dooddo kale oo aakhirka natiijada ka dhalan kartaa ay tahay Somaliland oo madax banaanaata, oo kalatag sharci ahi dhaco, waa jiraan, laakiin doodahaas kala duwan oo dhami waxa ay u baahanyihiin in marka hore la xooro, oo god lagu rido doodda bilaa micnaha ah ee ah anaku waanu baxnayba oo shaqo ma ku lihin dawladnimada iyo sharciyadda Muqdisho taalla, ictiraafkii na wuu soo socdaa oo waa sugaynaa. Taasi waxa ay Somaliland ka xidhaysaa jid kasta oo ay mari lahayd, oo keeni lahaa in aakhirka la kala baxo, amaba wax cadaalad ku salaysan oo la isla ogolyahay la wada yeesho. Hadii dadka SL aanay dhexdooda ka wada hadlin, oo is waydiinin jihada loo socdaa in ay tahay tii saxda ahayd iyo in kale, oo qofkii yidhaahda fikrad cusub baan hayaa na, si dadnimada ka baxsan loo aflagaadeeyo, runtii wax aan khasaare ahayni ma soo baxaayo.

Al-muhim, warku ba waxa uu ku idilyahay – yaan la kala sasin. Yaan la kala ordin. Ha la dooddo, oo ha la is qanciyo. Besba.

QALINKII; Maxamed Haaruun

COMMENTS
LINKS