Siyaasi Xasan Gadhweyne Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Marxuumad Amaal Cabdiraxmaan Cadaani Oo Hargaysa Ku Geeriyootay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Xasan Gadhweyne Oo Tacsi Udiray Qoyskii Iyo Qaraabadii Marxuumad Amaal Cabdiraxmaan Cadaani Oo Hargaysa Ku Geeriyootay.
March 16, 2020 - Written by Editor:

INAALILAAH WA INAA ILAYHI RAAJICUUN…….

كل نفس ذائقة الموت

Siyaasi Xasan Gadhweyne Waxa Uu Cabdiqaadir Dhego-qool Ka Tacsiyadaynayaa Geerida Ku Timid Xaaskiisi Marxuuma Amaal Craxmaan Cadaani.

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 16/03/2020 ku geeriyootay Caasimada Somaliland ee Hargaysa Allah ha u naxariistee Marxuumad Amaal Cabdiraxman Cadaani, waxaanu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Cabdiqaadir Cali Xaaji Cabdi (Cabdiqaadir Dhegoqool) oo ay marxuumadu ahayd xaaskiisa iyo dhammaan ilma Cali Xaaji Cabdi meel ay joogaanba, waxaanu sidoo kale ka tacsiyadeenayaa dhammaan qoyska, ehelada, qaraabada Ilma Cabdiraxman Cadaani.

Waxaanu ilaahay ugu baryayaa Marxuumadda inuu naxariistiisa Janatul fardawsa ka waraabiyo, Samir iyo iimaana ilaahay ka siiyo.

Aamiin….. Aamiiin…… Aamiin

 

 

COMMENTS
LINKS