Warbaahin Caalami Ah Oo Waxka Qortay Yoolka Sahra Halgan Ee Soo Noolaynta Fanka Iyo Hidaha Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warbaahin Caalami Ah Oo Waxka Qortay Yoolka Sahra Halgan Ee Soo Noolaynta Fanka Iyo Hidaha Somaliland!
March 17, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Fanaanada Sahra Halgan ayaa kamid ah faaniinta Reer Somaliland ee kasoo qayb-qaatay halgankii dib Uxoraynta Dalka jamhuuriyada Somaliland iyadoo wakhtigana Ku hawlan soo noolaynta fanka iyo dhaqanka Somaliland taasi Oo magaalada hargaysa ka furtay huteel lagu sameeyo Cuntooyinka wadaniga eek ala duwan islamarkaana leh goob Caways oo lagu soo bandhigo fanta iyo  hidaha iyo dhaqanka oo Loo garaaco Qaabkiisii originalka ahaa.

Hadaba fanaanada Sahra Halgan Oo waraysi siisay jariidad caalamiya oo kasoo baxda dalka faransiiska ayaa ka warantay hiigsigeeda soo noolaynta fanka iyo dhaqanka Somaliland.

Iyadoo ka waramaysana waxay tidhi;

“Hamigeygu wuxuu ahaa inaan abuuro meel dadkeygu isugu yimaadaan, kuna ciyaaraan, ku heesi karaan, qoslaan, kuna baashaali karaan, ayay tiri Sahra Halgan, oo ah aasaasaha Hiddo Dhowr, oo ah goob faneedkii ugu horreeyay ee Somaliland laga Aasaaso tan iyo burburkii kalidii taliyihii Siyaad Bare ee  xiliyadii’. 90meeyadii.

”Waa goob ay ku baran karaan dhaqankooda kuna faani karaan. ” shacabka Sharafta  leh ee Somaliland, Sahra waxay muujisay Dhiiranaan iyo go’aan qaadasho ka haween ahaan. Waana Haweenay, fannaanad ah oo ilaa qaxootigii Fanka ku jirtay, sidoo kalana waa ganacsade hal abuur leh oo reer Somaliland ah, waxaanay waqtigeegii u hurtay ilaa waqtigii Qaxootigii Sidii shacabka Somaliland uga gudbi lahaayeen caqabadaha haysta loona heli lahaa Cadaalad.

Sahra Halgan Waqtigana waxay ku hawlan tahay sidii kor loogu Qaadi lahaa Dhaqanka Somaliland. “Dad badani ma oga inay Somaliland jirto,” Ayay tidhi. “Xitaa dhalinyarada halkan jooga Kama War Qabaan Dhaqankeena. Ma ogaan karaan dhammaan Waxyaabaha Hodanka ah ee aan haysanno. ” Iyada oo la socota Sahra Halgan Trio, kooxdii ay u Aasaasay qaxooti ahaan Magaalada  Lyon, Ee dalka France, Halgan ayaa booqtay Adduunka — kor u qaadista Calanka Somailand fursad kasta. Waxaan jeclaan lahaa dunida inay ogaato inaan ahay qof reer Somaliland ah, ayay tidhi. “Inaad ogaato sida Aan Hodanka u Nahay Xaga Dhaqanka, Luuqada, Muusikada, iyo Dhaqanka.”

HALKAN KAGA BOGO WARAYSIGA AY SIISAY JARIIRADA CAALAMIGA AH;

https://daily.bandcamp.com/features/sahra-halgan-trio-somaliland-music

https://daily.bandcamp.com/features/sahra-halgan-trio-somaliland-music

COMMENTS
LINKS