“Ma Looga Fa’idaysan Karaa Xanuunkan In Aynu Dunida Iska Xadidno”!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Ma Looga Fa’idaysan Karaa Xanuunkan In Aynu Dunida Iska Xadidno”!Prof Cabdi Cali.
March 18, 2020 - Written by Editor:

Afeef: Hadii aad qofayso ama aad qabiilayso faaladaada, ama aad cid aflagaadayso waxaa lagu saari karaa ood-rogo; maxaa yeelay waxa jira dad badan oo meeshu ka buuxsantay; taasina waa min baabi وإن تتولوا يستبدل قوما غيركم ثم لا يكونوا أمثالكم

Dhibaato farabbadan bay innagu haysaa dunida aynu albaabadeena u wada ballanqnay! Kuma talinayo in aynu iska wada xidhno dunida, laakiin fur-furnida aynaan wax siyaasada ka lahayn ayaan u dan leeyahay. Waa in ay jirto siyaasad qaranku leeyahay oo lagu yaraynayo hagardaamada iyo khasaaraha innaga soo gaadhaya is dhex qaadka dunida (globalization), taaso waxtar iyo waxyeellaba leh.

Waxyeelooyinkaas waxa ka mid ah mid xagga haybteena ah (identity) oo la xidhiidha diinta, dhaqanka, luqadda IWM, mid xagga deegaanka ah, mid xagga dhaqaalaha ah, mid xagga waxbarashada ah, haba ka qaban. Sideedaba, is dhex galka dunida (globalization) ee immika tisqaaday waxay danta wayni ugu jirtaa dadyawga dhaqaale ahaan iyo cilmi ahaan dunida hoggaamiya.

Haddaba, waxa loo baahan yahay siyaasad meel dhexe ah oo aad soo daynayso ama ogolaanayso wixii dhaqaale, cilmi iyo waxtar inoo leh ee dunida innogga imanaya, iyada oo la iska moosayo wixii wax yeelaya diinteena, dhaqankeena, luqaddeena iyo deegaankeena; maanta intaas aan soo sheegnay oo dhan ba dhaawac xun baa soo gaadhay, oo aan is leeyahay way adag tahay sida loo ga soo kabtaa; haddii ay sidaa ku sii socotana waxa dhici doonta innaga oo nool nool oo soo taagan in aynu doorsoono; immikaba dhalinteenu ma fayooba!

Ugu danbayntii, haddii aynu nahay dad hammi sare leh, inaguma ogi sidaase, waxan inoo soo jeedin lahaa in aynu fursaddan oo kale ee xanuunka Corona virus aan uga faa’idaysano ama ugu marmarsoono in aynu curino siyaasad noocaas ah oo ina daba qabataysa inta goori goor tahay!! Waxay ila tahay siyaasaddan ayaa Ictiraafka aad sheegtaana soo dedejin lahayd!! Respect yourself first.

QALINKII; PROF CABDI CALI JAAMAC; maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

 

COMMENTS
LINKS