Beenta Xamar Ha Laga Foojignaado. Qore; Cammir Bidde. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Beenta Xamar Ha Laga Foojignaado. Qore; Cammir Bidde.
March 21, 2020 - Written by Editor:

Waxa Khamiistii Websites dadka Somaliland Asal ahaan kasoo Jeeda lagu faafinayay war been oo aan la iska hubin. Warkaasoo sheegayay in duulimaadkii khamiistii ee fly dubai ay Celisay xukuumadda Xamar. Warkaa oo uu fidiyey nin Twitter Ku sheegtay inuu wakiil Somaliland uga yahay jamciyadda Quruumaha. Iyadoo ay Twitter kiisa ka muuqato in Xamar laga soo geliyey farriinta, oo si cad ay ugu qoran tahay Somalia.

Websites ka Somaliland iyagoon waxba hubin ayay kala koobiyaysanayaan maqaalada. Waxa habboon wararka taabanaya qaddiyadda Somaliland in ay la xidhiidhaan xukuumadda oo ciddii arintaa su rasmi ah u qaabilsan ay wax ka waydiiyaan.

Xukuumadda Somaliland arrintan eed wayn bay ku leedahay, sababtoo ah inay markaaba war saxaafadeed ku jawaabaan bay ahayd. Wararka beenta ah iyagaa fursad uu ku fido siinaya. Wasiirka warfaafinta iyo maamulaha hay’adda duulistu labaduba arrintan way ku ceebaysan yihiin. Baarlamaanku waa inuu labada nin ilkaha saaraa oo shaqadooda ay gabeen farta ugu fiiqaa.

Waxa xusid mudan in Wajaalenews.net uu isla shalay daabacay war saxaafadeed ka soo baxay dawladda Imaaraatka oo uu ku saxeexnaa sarkaal sare oo la yidhaa Mubarak Khalif Alghafli, kaa soo sheegay in khamiistii (19 -03-2020) ay joojiyeen dhammaan duulimaadyadii dibadda u baxayay. Taa macnaheedo waa inay fly dubai kaba soo kicin dalkeeda.

Waxa kale oo jimcihii ay Wajaalenews.net daabacday waraaq kale oo ka soo baxday Fly dubai lafteeda ay ku sheegayso inay khamiistii laga bilaabo joojisay duulimaadyadii dunida oo ay Somaliland ku jirto (iyagoo si cad u magacaabay Somaliland)

Wajaalenews arrintan ammaan wayn ayay ku mudan tahay. Tafatiruhana wuxuu raaciyey faahfaahin aad u waayeel u ah, oo uu Muqdisho tamar yarideeda ku tilmaamayo. Aad bay ugu dadaaleen akhyaarta Wajaalenews  inay xaqiiqda dadka u soo gudbiyaan. Waa arrin laga rabo qofkasta oo muwaadina oo saxaafadda wax ku soo qoraya, inuu qaranimada dalkiisa ilaasho.

Horta qofkii in yar uun caqli uu ku fikiraa ku jiro, wuu fahmi kari lahaa inuu war beena yahay. Sababtoo ah hadday dawladda Soomaaliya awood u leedahay inay xidho hawada Somaliland beri hore ayay ka joojin lahaayeen diyaaradaha. Waxaynu ognahay inay geed dheer iyo ku gaabanba u fuuleen siday Somaliland u cunaqabatayn lahaayeen. Xataa isku dayeen in caawimooyinka Somaliland la siiyo ka horjoogsadaan. In xukuumadda Soomaaliya cadowtinimo wayn u muujisay Somaliland, haddii ay awood milateri leeyihiina soo weerari lahaayeen. Ka fikir hadallada ka soo yeedha Muqdisho madaxdeeda, cadowtinamada iyo nacaybka gaamuray ee ay muujaan. Sida hadalkii imika u dambeeyey ee wasiir ku xigeenka maaliyadda ee Soomaaliya ka soo baxay, kaa soo Puntland ku dhiirri geliyey, si gabasho la’aan ah in Somaliland ay weerarto, Muqdishan garabsiin doonto.

Ma kula tahay in nimankaasi hadday awood u leeyihiin ay diyaaradaha kaaga joojiyaan, inay biyo u kabban lahaayeen.

Warkan beenta ee khamiistii wuxuu ka mid ahaa uun dagaalka u ku baaqay wasiirku. Ayaan darraduse waa cidda uu propaganda u adeegsaday.

Wa Billahi tawfiiq,

QALINKII; A. Amir Bidde

COMMENTS
LINKS