Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Gudida Ka Hortaga Xanuunkan Coronavirus Dib Ha U Eegaan Xaalada Diyaar Garow Ee Wasaarada Caafimaadka! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Gudida Ka Hortaga Xanuunkan Coronavirus Dib Ha U Eegaan Xaalada Diyaar Garow Ee Wasaarada Caafimaadka!
March 21, 2020 - Written by Editor:

Hadiiba ay dhacdo in qof looga shakiyo xanuunka Corona virus sidii xalay dhacday halkee loogu hagaagayaa gurmadka Caafimaadka

Masiibada dusheena hoganaysa sida daruurta ilaahay ma keenee mar jirto koox Caafimaad oo loogu yeedho oo heegan u ah hawshan adag oo u baahan ka hortaga iyo xakamaynta.

Xalay abaaro 12:00 ayuu isoo galay telefoon nin aanu saaxiib nahay oo dareen shaki ah ka galay qof ehelkiisa ah oo calaamado u eeg xanuunka dunida saameeyey ee Corona virus.

Waxaanu ii sheegay inuu iiga baahan yahay gaadhiga oo aan u qaado, bukaanka.

Si deg deg ah ayaan ugu jawaabay walaal gaadhigii wuu iga maqan yahay iyadoo baqdin badan I gashay.

Ka dibna waxaanu isku afgaranay inaan la xidhiidhno kooxaha diyaarka u ah ee wasaarada Caafimaadku ugu tallo gashay inay qabtaan hadii ay timaado xaalada xanuunka Corona virus.

Dhawr qof ayaan garaacay si aan u helo numberkooda, hase yeeshee qofkastaa wuxuu iigu jawaabay ma garanayo.

Ka dibna waxaan ku soo bandhigay arintaasi Facebook si aan u helo xog iyo cid naga caawisa sidii aanu u heli lahayn kooxda gurmadka.

Nasiib wanaagsan qof ayaa qaybta commiteska iigu reebay 988 waan garaacay

2 ilaa 4 jeer lamana qaban mar dambe ayaa la iga qabtay, waxaanan u sheegay sidii ay wax u jireen.

Waxaanay iigu jawaabeen soo qaad oo noo keen.

Waxaan la yaabay sida xanuunkani ku faafo iyo sida dunidu ula dagaalanto, sida Loogu sameeyey goobo gaar ah, kooxo gaar ah iyo gaadiid gaar ah iyo sida dhibta yar ee qofka telefoonka heeganka iga qabtay iigu jawaaby

Waxaan ka dalbaday kooxda khaaska ah ee hawshan loo diyaariyey inuu ii gudbiyo

Waxaanu iigu jawaabay ma ma jiraan imika

Wakhtigaas waxaan aad uga fikiray xanuunkan iyo saamayntiisa.

1:00 habeenimo ayaan baxay oo aan tagay dhakhtarka qaybta gurmadka deg dega ah waxaan u sheegay sidii ay wax u jireen, balse waxay ii sheegeen inaanay jirin cid loo qorsheeyey ilaa hada oo heegan ku jirta.

Isla markaana aanay suurto gal ahayn inay wax ka qabtaan.

Laba saacadood ayaa kolba meel istaagaa anigoo dib u xasuustay hadalkii madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ee ahaa.

LAGA BILAABO MAANTA WAXA INA HAGAYSA WASAARADA CAAFIMAADKA.

Waxay igu gaadhay 2:30 habeenimo sidii aan kolba qof u lahaa maxaynu yeelnaa

Ugu dambayn markii aan dambacay inaan iska tago ayaa waxa isoo garaacay Dhakhtarkii heeganka ahaa oo ii sheegay inuu inamo iyo ambulance uu I raacinayo, balse aanay ahayn wax ay shaqo ku leeyihiin xaalada xanuunkan.

Sidii ayaanu ku tagnay bukaankii lagu eegay iyadoo la keenay cusbitaalka.

Waxaan filayey inuu jiro goob iyo Number lagala xidhiidho oo 24 hours oo khaas ah.

Waxaana ii muuqatay in qofkasta oo laga shakiyo la keeno cusbitaalka guud Laguna eego goobaha lagu eego bukaanada oo dhan.

Iyadoo ay ka haboonayd in koox heegan ah loo sameeyo oo sida dab damiska iyagu taga goobta war ka yimaado halkiisana ay ku hubiyaan wixii jira.

Hadiiba ay dhacdo in la arko hal kiis ka dibna halkooda lagu karantiimeeyo guud ahaan qoyska inta la gaynayo meelo gaar ah.

Inay jiraan gaadiid iyo shaqaale khaas u ah oo hawshan u diyaar garoobay, taasina ma jirto.

Ugu dambayn waxaan dareemay in inaanay jirin qorshe diyaar garaw oo ay samaysay wasaarada Caafimaadku si looga hor tago hadiiba ay dhacdo xaaladan xanuunka Corona virus ilaahay inooma keenee.

Mida labaad hadii bukaan kasta oo laga shakiyo la keeno cusbitaalka guud sow maaha arin adag oo qayb ka ah inuu noqdo cudur si deg deg ah inoo saamayn kara.

Waxa waajib ku ah madaxwayne Muuse Biixi Cabdi iyo gudida heer qaran ee xanuunka Corona virus inay hubiyaan goobaha shaqaalaha iyo gaadiidka wasaarada Caafimaadku u diyaarisey xakamaynta iyo ka hor taga xanuunkan

Waxaan aad ugu amaanayaa ciidamada Booliska iyo Laanta Sodaalka oo heegankoodu ay si deg deg ah iila soo xidhiidheen si ay arintaasi ugu kuur galaan.

QALINKII; SAXAFI GURAY MAYDHAX.

COMMENTS
LINKS