Darreenka Ka Dhashey Ciidamo Iyo Hub Tiro Baddan Oo Dawllada Itoobiya U Gudbisey Xuduudka U Dhexeysa Itoobiya Iyo Koonfurta Soomaaliya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Darreenka Ka Dhashey Ciidamo Iyo Hub Tiro Baddan Oo Dawllada Itoobiya U Gudbisey Xuduudka U Dhexeysa Itoobiya Iyo Koonfurta Soomaaliya!
March 24, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(WJN)-Siddii Caadada u Ahaan Jirtey Dawllada Itoobiya Tan iyo Marka Laga Soo Bilaabo Xiligii Raysal-Wasaare Males Zanaawi, Talada Dalkaasi gacanta ku hayey, oo ay Guluf Ciidamadeeda Milatariga u Dirtey Dalkaasi Soomaaliya Waxey Ciidamadeedu ka Gudbi Jirreen Dhinaca Kililka Shanaad ee Ismaamulka Itoobiya Wakhti Xadidan oo ku beegan Saqabadhka Habeenkii Xilli laga Seexday Magaalooyinka Jigjiga iyo Qabri-bayax ilaa inta ay ka Gaadhayaan Xuduuda ay Lawadaagaan Koonfurta Dalkaasi Soomaaliya.

Haseyeeshee, Deyrtan si aad ah ayey uga Duwan Tahey Nidaamkaa Hore Kadib Markii, labaddii Toddobaad ee u Dambeeyay Ciidamo, iyo Saanad Millatari oo siweyn u gaashaaman, ay hadhkii Caddaa uga Gudbeen Talisyadda Dawlladu ku Leedahay, Bariga Harerge iyagoo, ujeedda Dhinacaa iyo Koonfurta Soomaaliya taas,oo ay Dadka Soomaalida ah ee Ku Nool dhinaca Dawllad Deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, haba u badnaadeen Shacabka ku nool Caasimada Jigjiga oo si xoog ah ugu baahiyay Sawirada Cidamada Bar kulanka Bulshada ee Facebook islamarkaa, ay Su,aalo badan iska Weydiiyeen Halka Wakhti Xaadirkan loo geedi Galiyey Ciidamadda Tiradaas leh iyo Saanadooda Millatari inkastoo Dareenka Shacabka Kililka ay La Wadaageen Guud ahaanba Soomaalida oo Maalmihii u Dambeeyay iyaguna Isha ku hayey dhaqdhaqaaqan iyo ujeedada dhabta ah ee uu Daaran yahey Gulufkaasi iyo halka uu Bartilmaameedka u yahey.

Wallow Dadka Soomaalida ah ee ku kala Nool Dhulka Soomaalidu Degto, oo falanqahooda Ciidamada uu Wakhtigan dhaqdhaqaajiyay Aby Ahmed Raysal-Wasaaraha Saaxada ku cusub ee Dalkaasi Itoobiya ayaa, Malahooda u badiyey in Ciidamada Tiraddan Leh ee u Ruqaansadey Dhinaca Koonfurta Soomaaliya, ay Guus u yihiin Weerar Madaxweyne Farmaajo iyo Raysal-wasaarihiisa Kheyre la damacsan Yihiin Maamulka Jubbaland,ee Axmed Madoobe hogaamiyaha u yahey oo ay Sanadkii u dambeeyay u Taag iyo Caalba Waayeen Sidoo kalena, aaney Kalsooni Shilis uga Qabin in ay ku Hujuuma Karraan Ciidamadooda aan Waayo-araga aheyn ee Dhawaan kasoo baxey Tababarka Turkiga, Halka kuwa kale oo Fara baddan oo Soomaalida Gudo iyo Dibadba ku nooli u Tuhunsan Yihiin Ciidamadan Tirada badan ee Itoobiyaanka ahi in ay Dhoolatus Millatari ku Bixinayaan hordhacna u yihiin Wararka Mukhaabaraadka Itoobiya kasoo Gudbiyeen Khidadaha Dawlladaha Carabta Qaarkood ee Khilaafka Masaarida ku beegan.

Ma aha Markii u Horeysay ee Nooceeda ah oo Dawllada Itoobiya Ciidamo Hub iyo Saanad Culus oo Dhinaca Millatariga ah ay Ugudbiso, Dhinaca Xuduuda U Dhaxeysa Koonfurta Soomaaliya iyo Dalkaasi Itoobiya, iyadoo Dawllada Itoobiya Sixir barar iyo dhaqaale Burbur fara badan kala Kulantey Ciidamadii ay U Dirtey dalkaasi Soomaaliya oo lagu Qiyaaso Soddon kun oo Askari.

Talaabada ay dawlada itoobiya ugu dirayso ciidamada somaliya ayaa ku soo beegmaysa xili khilaaf huursani ka dhex bilowday itoobiya iyo somaliya kadib markii dawlada somaliya taageero umuujisay dalka masar oo xiligan itoobiya uu ka dhexeeyo khilaaf cakiran oo wabiga niilka ah taasi oo shaki ku bauurtay dadka somalida ah ee sida dhow ula socda siyaasada geeska

Raysal wasaaraha itoobiya ayaa isagu saxiib dhow la ha madaxwayne farmaajo balse talaabada ay somaliya ugu xaglisa dhinaca dawlada masar ayaa waji gabax ku noqotay dawlada itoobiya taasi oo laga cabsi qabo in ay ku kala fogadaan labada dawladood ee itoobiya iyo dawlada aan awooda badan lahayd ee somaliya.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

COMMENTS
LINKS