Suuqyada Somaliland Oo La Keenayo Askar Xidh-xidhaysa Dadka Mafrashyada Ku Wada Qayila. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suuqyada Somaliland Oo La Keenayo Askar Xidh-xidhaysa Dadka Mafrashyada Ku Wada Qayila.
March 25, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa (W.N) – Xukuumadda Somaliland ayaa ku dhawaaqday inay Magaalooyinka Dalka lagu soo daadin doono Ciidamo ka hor-tagaya in Dadka Qaadka cunaa ay wada fadhiistaan oo ay ku wada Qayilaan Marfashyada, taasi oo qayb ka ah dedaallada lagaga hor-tagayo Cudurka Coronavirus oo dunida dhibaato badan ku haya xilligan la joogo.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, Md. Maxamed Kaahin Axmed oo ka mid ah guddiga u diyaar-garowga iyo ka hor-tagga Caabuqa Corona oo Shalay Saxaafadda kula hadlay Hargeysa ayaa isagoo Arrimahaa ka hadlaya yidhi “Arrimaha aynu go’aanka ka gaadhnay waxa ka mid ah in aan Meelaha Bulshadu isugu soo ururto aan la isugu soo ururrin, Xanuunkani wuxuu fadhiistay Qof walowba Nadaafad lahoow, hab-dhaqankaaguna ha ahaado inaan joogto meel aan Bulshadu ku badnayn.”

Wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo hadalkiisa sii wataa wuxuu sheegay “Dadweynaheena waxaanu gaadhsiinaynaa inay Mabnuuc tahay in la isugu yimaaddo meelihii Mafrashyada qaadka. Waana laga wanaagsan yahay Rag waaweyn oo Madax ah, Rag Masuuliyiin ah, Dad waaweyn oo Mudakar ah in inta Ciidan u tago iyagoo qaadkii wata la keeno Saldhigga Booliska, haddiise dantu kelifto Dadka badbaadadiisaa ka mudan in Qof la ixtiraamo.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maanta wixii laga bilaabo Ciidan baa soo mari doona Marfashyada Qaadka, Annagana yaan Rag waaweyn xadhiggooda la noogu imanin.”

Wasiirku wuxuu sheegay mar haddii la fasaxay Goobihii Waxbarashada ay khasab tahay in la mabnuuco Mafrashyada lagu qayilo “Haddaynu joojinay Iskuullada, hoose/dhexe/sare   illaa Jaamacad oo aynu is nidhi da’yartiinu (yaanu xanuunku ku dhicin) haddaynu Ardaydii soo fasaxnay oo aynu Makhaayadaha soo wada fadhiisano maxaanu soo kordhinay ..” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in “Huteel Cunto laga cunayo mooyaane, Makhaayadihii la fadhiisanayeyna waa Mabnuuc, Ciidanku way wareegayaan, Dadka way ururrinayaan, hadhow yaanay dhib innagaga imanin.”

Inkastoo ay guddigan uu Madaxweynuhu magacaabay sheegeen inay mambnuucayaan in mafrashyada lagu wada qayilo, haddana waxa dad badan yaab ku noqday inaan weli la joojin jaadka Itoobiya ka soo gala oo ay khubarada caafimaadku aaminsantahay inuu soo walwaali karo xanuunkan oo Itoobiya aad uga jira.

 

 

 

COMMENTS
LINKS