Wardoonka Itoobiya Iyo Mudanayaal Katirsan Baarlamaanka Dalkaasi Oo Rumeysan Waayay Labadda Waji Ee Xukuumada Farmaajo U Dhigtey Qadiyada Masar Iyo Itoobiya! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wardoonka Itoobiya Iyo Mudanayaal Katirsan Baarlamaanka Dalkaasi Oo Rumeysan Waayay Labadda Waji Ee Xukuumada Farmaajo U Dhigtey Qadiyada Masar Iyo Itoobiya!
March 25, 2020 - Written by Editor:

Adissababa(WJN)-Kadib Markii Dawllada Fedaraalka Soomaaliya Sexeexday Bishii Lasoo Dhaafey, Liiska 24 Dawlladood oo Dawlladaha Jaamacada Carabta ah Islamarkaana, laga Sexeexay Taageeradda Dawllada Masar ee Qadiyadda Biyaha Niilka, ayaa Raysal-Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Socdaal Degdeg ah kaga Degay Magaalada Adissababa ee Xarunta Dalkaasi Itoobiya iyadoo Sida la Xaqiijiyay Socdaalkiisu kusoo beegay markii Raysla-Wasaare Aby Ahmed ka war Helay Xogaha ay Ku Sheegeen Wardoonka Dalka Itoobiya in Madaxweyne Farmaajo Qalinka Ku Duugey Taageerada Wadanka Masar ee Qadiyadda Biyaha Niilka.

Socdaalka Raysal-Wasaare Xasan Kheyre ku gaadhey Dalkaasi Itoobiya dhawaan, oo ahaa mid aad u Xasaasi ah oo ka dhashey Su,aal dhinaca Xidhiidhka Telefoonka ah oo Raysal-Wasaare Aby Ahmed kula Xidhiidhay Madaxweyne Farmaajo isagoo Wax ka Weydiiyay Xogta uu ka helay Wardoonka dalkiisa oo uu kamid ahaan jirrey, Waxey sakati baddan ku keentay Madaxweyne Farmaajo oo Aamini Waayey jawaabtii uu Su,aashaasi ka bixiyay Sidaa-daraadeedna uu Raysal-Wasaarihiisa u dhiibay Fariin degdeg ah, oo ku sahabsan in Dawlladiisu Dhexdhexaad ka tahey Qadiyadda Biyaha Niilka ee u dhaxaysa Itoobiya iyo Masar,oo ay dib Warmurtiyeed uga Soo Saartey ku Gurya Noqoshadii Muqdisho ee Raysla-Wasaare Kheyre.

Wararka ka imanaya Magaalada Adissababa ee Xarunta Dalkaasi Itoobiya, ayaa Sheegay in Wardoonka iyo Mudanayaasha ugu Baddan ee Baarlamaanka Dalka Itoobiya ku Qanci Waayeen Fariintii Kheyre iyo Jawaabtii Madaxweyne Farmaajo Siiyay Saaxiibkii Aby Ahmed maadaama ay Cadeymo u hayeen Sexeexii Dawlladaha Carabtu ka Xaqiijisteen Taageerada Madaxweyne Farmaajo ee Dawllada Masar.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, ayaa indhawaale Waajahey Mawduucyo Wada Qabyo ah Maadaama, Muddo Xileedkiisu Kaabiga Soo Saarey Islamarkaana, ay isku Soo beegmeen Dano badan oo Siyaasadeed oo Qeydhiin u badan kuwaas oo kaga Xidhan Dawlladaha Carabta ee wakhtigan ka taageeraya Dhinacyada Dhaqaalaha Siyaasada, iyo Ciidamada uu la damacsan Yahey in uu Ku Muquuniyo Siyaasiyiinta Damaca leh ee Tukubaha ugu jooga in uu Degdeg u qabto Doorashadii uu Talada kula Wareegay kuwaas, oo dhinaca kale Shirar Qabiil Culays ku saarey in Raysal-Wasaare Khayre isku soo taago Murashaxnimada Jagada Madaxweyne oo Farmaajo laf ahaantiisu Dareen badan ka Qabo,Waxa kale oo Madaxweyne Farmaajo Qabyo u ah Xiligan Heshiiska uu la Gaadhey Dawllada Itoobiya, oo ka Caawisey Soo Afjarida dhaqdhaqaaqyadii Maamul Goboleedyadda Soomaaliya iyo Waliba Siyaasadihii Qarsoonaa ee Dawllada Imaaraadku ku Gujagujaynaysay Turkiga oo Saldhigyo Waaweyn ka Sameystay Muqdisho.

Sikastaba ha ahaatee Sirtan Dawllada Itoobiya ka Heshay Madaxweyne Farmaajo, ayaa u Muuqata mid si Xeelad leh uga taxadireyso, iyadoo  ka Dareen Qaadatey Jawaab la,aanta Dawllada Jabuuti ee Xidhiidhka Ganacsi ka Dhexeeyo, oo iyadu ka aamustey Taageerada Dawlladaha Jaamacada Carabta ee Qadiyada Biyaha Niilka.

WAJAALENEWS DESK

WAJAALE STAFF REPORT

COMMENTS
LINKS