DAAWO;-Qaabkii Ciidanka Dab-demisku Usoo Badbaadiyeen Dad Shacabka ah Oo Ay Qaadeen Daadkii Kusoo Rogmaday Dooxa Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Qaabkii Ciidanka Dab-demisku Usoo Badbaadiyeen Dad Shacabka ah Oo Ay Qaadeen Daadkii Kusoo Rogmaday Dooxa Hargaysa.
March 25, 2020 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Ciidammada Dab-demiska Magaalada Hargeysa, ayaa Badbaadiyey Dad saarnaa Gaadhi Iska-rogo ah oo uu Qaaday Dooxa Hargeysa, ka dib markii Roobab Daad Badan dhaliyey oo ka da’ay Caasimadda iyo Nawaaxigeeda.

Roob la laxaadle oo Galabta ka da,ay magaalada hargaysa ayaa daadadkii kasoo rog maday waxay sobobeen in dooxa ka  gudba Saldhigga Booliska New Hargeysa garabkiisa ka leexiyeen Gaadhi Iskarogada ah  kaasi oo ay saaraayeen saddex Qof kuwaasi oo uu qaaday daadkii iyaga iyo gaadhigii ay saarnaayeenba

Hase-yeeshee Ciidammada Dabdemiska Somaliland ee magaalada Hargeysa, ayaa u gurmaday, isla markaana badbaadiyey Saddexdaas qof ee gaadhiga saarnaa, kuwaas oo u tuuray Sallaan ay kaga baxeen gaadhigaas.

Maalmihii u dambeeyey ayey Dalka Somaliland ka Curteen Roobabka Gu’gu, iyagoo Deegaanno badan oo Hargeysa iyo nawaaxigeedu ka mid yihiin Maasheeyey.

Had iyo jeer Xilli Roobaadka waxa ka dhasha Khasaare Naf iyo Maalba leh, iyagoo Dooxyadu qaada Gaadiid Dad Saaran yihiin iyo Dad isku daya inay Dooxyada ka tallaabaanba.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA WARKAN;

COMMENTS
LINKS