WAJAALE NEWS
Shirkada Dahabshiil Oo Macaamiisheeda Ku Wargalisay Adeegyo Cusub Oo Ay Usoo Kordhisay Coronavirus Awgeed!
March 26, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)- Shirkada dahabshiil ayaa macaamiisheeda usoo kordhisay adeedyo cusub xaalada xanuunka coronavirus awgii kuwaasi oo ay adeegyadii ay uqaban jiray ku helidoonaan guryahooda iyaga oo jooga.

“Waxaanu la Dareennahay Macaamiisha Dahabshiil ee Daafaha dunidda ku nool, iyo warwar-ka ay ka qabaan xanuunka (Covid-19) oo aad ugu fidaya aduunyadda oo dhan iyo sidii ay eheladooda iyo asxaabtooda u gaadhsiin lahaayeen Lacagihii ay u diri jireen.

Sidaa daraadeed, waxaanu Macaamiisha Dahabshiil la socodsiinaynaa in Lacagaha aad  eheladiina u soo diraysaan aad ka soo diri kartaaan Mobile App-ka Talkremit (www.talkremit.com) idinka oo Jooga Guryihiina.

Shirkadda Dahabshiil Waxay sidoo kale ku wargelinaysaa macaamiisheeda joogta dalka gudihiisa in lacagaha loo soo diro ay ku heli karaan Mobile-kooda iyaga oo jooga guryahooda. Sidaa awgeed macmiil fadlan la wadaag ehelkaaga iyo asxaabtaada Lambarkaaga Somtel ee leh adeega eDahab si lacagta laguu soo dirayo aad ugu hesho mobile-kaaga.

Shirkaddu waxay ku dadaalaysaa inay laban-laabto dedaalkeeda adeeg-bixineed Wakhtigan adag ee lagu jiro, si aanu u xaqiijino in dhammaan macaamiishayadu ay degdeg u helaan lacagaha ay u soo dirayaan eheladooda iyo asxaabtoodu.

Shirkadda Dahabshiil waxa ay macaamiisheedda ku waaninaysaa inay ku dadaalaan ilaalinta nadaafadooda iyo inay raacaan dhamaan talooyinka iyo talaabooyinka caafimaad ee lagaga horta tagayo xanuunkan (Covid-19).

Waxaad kala socon kartaan si joogta ah wixii kasoo kordha xaallada Xanuunka iyo adeegyadda Dahabshiil Degelkayaga (https://www.dahabshiil.com). Ilaahayna waxa aanu ka rajaynaynaa inuu ina hareer mariyo masiibadan caafimaad (Aamiin).

Wa billaahi Tawfiiq

Sacad Muse Abdi

Marketing & PR Manager

Office: +476 705 9893

Mobile: +252 65 9700700

WhatsApp: +252 65 9111010

E-mail: saad.muse@dahabshiil.com

Address: Dahabshiil Pvt Ltd, Operations Center,

2nd Main Road, 26 June Avenue, Hargeisa, Somaliland

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews