WAJAALE NEWS

Asalka Magaca Alleh!W/Q; Guuleed Ayaanle.

Eebe, Waxa Uu leh Yahay Sagaal iyo sagaashan magac oo mid mooyee inta kale ay yihiin magac-tilmaameed ama sifo. Magaca samiga ah ee u gaarka ah Guuluhu waa Alleh oo Isaga mooyee aan cid kale lagu sheegi karin. Halka Ilaah uu yahay magac guud oo loogu yeedho wax kasta oo la caabudo, kaas oo meel la jooga ereyga ‘God’ ee Ingiriisiga ah. Haddaba waydiintu waxa ay tahay halkee ama afkee ayuu magacu ka soo jeedaa?

Ugu horeyn, magacu lama kowsan diinta Islaamka oo ka hor intaan Quraanku soo degin Carabtu waa ay taqaanay ama adeegsan jirtay. Waxaana caddeyn inoogu filan magacyadii ay la bixi jirtay sida CabdAlleh (addoon-Alleh). Sidoo kale, Carabta aan muslinka ahayn, ilaa haddeerto sidaa ayay Eebe weyne Alleh ugu yaqaanan, kutubtoodana ugu qoran tahay.

Afafka kale ee Saamiga ah (Sematic), sida Cibriga (Hebrew) oo ah afka Yuhuudda ee uu ku qoran yahay Cahdiga hore (Old Testament) ama Tooraad waxa ku xusan Il, El iyo Elaha. Isna Aramaic oo ah afkii Nabi Ciise waxa ay ugu dhawaaqaan Alaha. Syriac oo la bah ah waxa ay iyaguna ugu dhawaaqaan Alaha.

Haddaba, qaryaanada Islaamka ah ee isku dayay in ay macneeyaan isla markaana qeexaan halka uu ka soo jeedo magacu waxa ay u kala baxeen laba kooxood oo qolo kastaaba si u fasirtay, kooxda hore waxa ay ku doodeen in magacu yahay magac Carbeed oo laga soo dhiraandhiriyay ereyga إله oo la raaciyay qodobka ال ee aqoolka (macrifa). Dabadeedna dhawaaqu lumiyay alifka إله ugu horeeya, sidaasna أللّه ereygii ku noqday.

Inkasta oo kooxdani ku dadaashay in magaca ay carabeeyaan, haddana, waxa ka hortimid oo dooddooda burisay arrimahan:

1- Alifka iyo laamka أللّه ku  jira waa mid ka tirsan abuurka ereyga, waxaana aynu sidaa ku caddeynaynaa magac kasta oo carabi ah haddii laga hor mariyo qurubka yeedhmada ee يا waxa qasab ah in ال la barabixiyo. Tusaale ereyga الرّجل marka yeedhmo la raaciyo wax uu noqdaa يارجل. Halka أللّه, ياأللّه labada goorba aanu is badalin. Halkaa waxa inooga caddaatay in alifka iyo laamka أللّه ku yiraa ay ka mid yihiin jiriddiisa ee aanay ahayn kuwii qodobka ahaa.

2- Shadka أللّه la socda waxa loogu dhawaaqaa si culus (tafkheem) oo ka duwan sida ereyada kale ee shadan ee Carabiga ah loogu dhawaaqo, sida اللّيل

3- Magaca Eebe marnaba ma yeesho wadar ama labaale, halka ereyga إله labadaa qaabba noqdo.

4- Marnaba Quraanku magaca looguma xusin qaabka the God ama al alleh.

Qodobadaa aynu xusnay waxa ay burinayaan aragtida aaminsan in macagu yahay magac Carbeed doorsoomay.

Fikradda labaad oo ah ta labada xaqiiqda u dhaw. Waxa ay dooddoodu tahay, kolba haddii magacu baal maray xeerarkii afka Carabiga oo aanu la mid ahayn dhamaan ereyada kale ee Carbeed, waxa ay dooddooda ku soo gaabiyeen, in magacu yahay mid guud oo ilaa Nabi Aadan nabiyadoo dhami yaqaaneen sidaasna u adeegsan jireen.

Haddaba, abbaarta qoraalkan koobani wax ay waxna ku raacaysaa waxna kaga duwan tahay, ama wax ku biirinaysaa fikaradda labaad ee odhanaysa magacu waa macag ilaa Aadan Eebe loo yaqaanay oo aan ahayn xerudhalan Carbeed. Waa ta kowaad ee waa run oo magacu ma aha magac Carbeed. Waa ta labaad ee magacu waa magac Soomaaliyeed oo xerudhalan ah.

Ka hor inta aynaan halkaa ka gudbin waxa haboon in aynu sharaxaad kooban ka bixino sida ereyadu u dhismaan. Afyahannada ku foogan aqoonta ereyeyntu (morphology) waxa ay ereyada u jabjabiyaan dhambalo lagu sugayo salka areyga (root word). Dhanbaladaasi waxa ay noqdaan laba middood; dhanbal madaxbanaan oo iskii erey u noqda (free morpheme) iyo dhanbal sidkan oo aan gaar u istaagi karin (bound morpheme) sida; ugbaad. ‘Ug’ waa dhanbal sidkan, halka ‘baad’ tahay dhanbal madaxbanaan.

Si loo helo macnaha erey-saleedka sidkan waxa laga soo dhiraandhiriyaa macnaha  ereyada sal wadaagga ah. Tusaale, erey-saleedka Ingiriisiga ah ee ‘struct’ waa mid sidkan macnihiisuna yahay ‘dhis’, sida ka muuqata ereyada uu ku jire ee ay ka mid yihiin;

Con-struct-ion (the act of bringing together all the elements of a building)

De-struct-ive (tending to destroy)

In-struct-ion (teaching; information; education)

Ob-struct (build against; prevents building)

In-stru-ment (a tool to build with)

Struct-ure (a building; an arrangement)

Ereyga Alleh waa erey lamaan oo ka kooban labada erey ee ‘al’ iyo ‘leh’. Ereyga leh waa erey tilmaan ah oo badiyaa ereyada dibkabe u noqda.  Ereyga lagu la raaciyo waxa uu siiyaa macne sheegaya lahaansho. Tusaale;

Geel marka leh gadaal lagaga qodbo waxa uu qofka lagu magaabo ku tusinayaa in aanu caydh ahayne uu leh yahay geel. (geel+leh)

Soomaalidu intaan maryaha dibadda laga keeno aanay xidhan, waxa ay xidhan jireen oo aradbeel u ahaa harag la midgiyay oo inta la qurxiyay dhar ahaan loo qaadan jiray. Haddaba hooyada Soomaaliyeed iyada oo ilmaheeda aradnaan kala ordaysa ayaa ay ugu magacbixin jirtay wiilka ay dhasho dhuule (dhuu+leh) oo macneheedu yahay kii dhuu-ga (maryaha) lahaa.

Haddaynu hoos ugu degno mucda iyo abbaarta qormadan . Ereyga ‘al’ waa erey-saleed sidkan oo ku jira ereyo badan oo Soomaali ah oo ay ka mid yihiin;

Al-ab :- ged, dabci ama caado soo jireen ah

Al-oog :- wax abuurid; wax kor u qaadid

Al-oos :- wax abuurid

Al-an :- xubnaha ama jiridda geedka qasabka/aale-sonkorka

Al-een :- kooryar oo geela lagu jiro

Al-kun :- curin wax aan hore u jirin

Al-aal ;- qof la qabsan og dad iyo dal hore aanu u aqoon jirin

Waxa halkaa inooga muuqada in macnaha ereyga ‘al’ yahay ‘jirid ama jiritaan’. Sidaana waxa aynu ka soo dhiraandhirsanay macnaha ay wadaagaan ereyadaas kore. Haddaba magaca Alleh ama Alle (sida badi loogu dhawaaqo) miyaanu ahayn kii jiritaan oo dhan lahaa (Al+leh).

Guuleed ayaanle Axmed Cumar

Ayaanle77@yahoo.com

 

Exit mobile version