WAJAALE NEWS
Maxaa Keenay Soomaalida Scandinavian In La Caayo?W/Q Ibraahim Hawd.
March 26, 2020 - Written by Editor:

Guud ahaan bani aadanku abuur iyo caado ayuu u lee yahay in uu sida uu ka la duwan yahay isu ximiyo, isu takooro oo isu caayo. Waa abuur iyo caado ka soo jeedda heerkii bulsheed ee qabiilka ee noloshu ku dhisnayd malyuumaadka sano. Waa xeelad ka mid ah xeeladaha midaynta nafsiyadda kooxda iyo colaadinta qolada kale oo la doonayo in la naco oo la laayo, loollanka nolosha daraaddeed. Tii uun baa maanta weli dunida meel walba ka jirta in kasta oo ummadaha casriga ahi ku heshiiyeen in heerkaa la ga koro oo is qaddarin la gu wada noolaado. Baahida loo qabo joojinta takoorku wax ay lamahuraan sii noqotay kolkii soohdimihii bulshooyinku burbureen ee la isu wada furmay ee la is ku wada milmay.

Reer Iswiidhan haddaba ka mid ma aha dadka dunida u gu cunsurisan, waayo xitaa haddii dad cunsuri ahi ka buuxaan ilbaxnimo ahaan iyo akhlaaq ahaan bay dhaqan noqotay in cunsurinnimda loo arko liidnimo iyo hoosayn. Sidaa darteed waa dhif qof cunsurinnimadiisa la badheedhi karaa. Waxaa se dhacda dad badan oo qarsada dabadeed fursad wal oo ay helaan afka furta. Waxaa jirta qolo aydoolojiyad ahaan sideedaba diiddan in dalkooda cido qalaadi soo galaan iyo in dhiiggooda iyo dhaqankooda la badhxo. Dadkaas baa is la oogsada mar kasta oo ay helaan fursad yar oo ay sabab ka dhigan karaan. Waa sida imika dhacaysa markii Soomaali door ahi u dhimatay cudurkan cusub.

Haddaba ma jirtaa dhaliilo Soomaalida Iswiidhan leedahay oo sabab u noqda in ishaa xun lagu eego? Xaqiiqadan kooban u fiirso:

Sannadkii 1989 ayay Iswiidhan ku soo dhacday maayaddii ugu horraysay ee qaxooti Soomaaliyeed ahi. Markaa ka hor waxaa joogay dad aan tiro badnayn oo isu gu jira badmareen, arday iyo qaxooti yar. Sidaas bay mawjaduhu isaga soo dabadhacayeen, waxaana loo badnaa dhallinyaradii magaalooyinka waaweyn ka soo barakacday sida Muqdisho, Hargeysa iyo Gacanka Carabta. Dhallinyaradaa badan iyo reerihii ay keeneen oo aan cid aqoon lihi dalka uga soo horrayn xog la’aan iyo jahawareer badan baa dalka ka ga dhacay, waxaana la rumaystay khuraafaad badan. Khuraafaadka dadka ku dhex faafay waxaa ka mid ahaa Iswiidhishku in ay yihiin dad cunsuri ah oo marka ay kuu arkaan Afrikaan Muslin ah boqnaha ku goynaya. Waxaa kale oo faaftay Iswiidhan in aad shaqaysato iyo in kale waa is ku mid oo lacag badanna heli maysid lacagna waayi maysid. Waxaa kale oo faaftay Iswiidhan in ay doonayso in ay annaga iyo carruurtayada gaalayso.

Waad garan kartaa fahamka caynkaas ah ee dadka ku dhacay cidhib xumadiisa. Iyada oo ay sidaa ahayd Iswiidhan berigaa ilaa dabayaaqadii 1990-nadii waxaa ka jirtay shaqo la’aan baahsan, Soomaaliduna wax ay noqdeen dadka u gu dambeeya ee shaqo heli kara. Taa waxaa weheliyay Soomaalidii berigaa oo badankeeda xaaladdeeda nafsiyaddeed aad u xumayd. Dagaal iyo dhimasho ayay dadkaa intooda badani soo arkeen, sidoo kale dadkoodii bay ka la lumeen, siiba markii dhulka Soomaalidu noqday meel aan boos iyo telefoon la gu la xidhiidhaa ka jirin.

Xaaladda oo sidaas u adag bulshadii Soomaaliyeed ee Scandinavian waxaa ka dhex kacay wadaaddo xagjir ah oo fikirka Wahaabiga ku raran, kuwaas oo qaxootiga la socday ama dalal kale ka soo doolaaloon jiray. Wahaabiyiintaasi dadkii awalba nafsiyad ahaan is ka dhibaataysnaa wax ay ku dhex fureen cabsi, shaki, wiswis iyo nacayb. Meel walba wax ay ka yidhaahdeen waa xaaraan iyo baaddil joogista aad dhulkan joogtaan. Cuntooyinkii caadiga ahaa bay xarrimeen, daawashada warbaahinta ayay xarrimeen, la saaxiibidda caddaanka ayay xarrimeen, lacagta amaahda ah ee wax la gu barto ama guryaha la gu gato ayay xarrimeen, in carruurta xannaanada la geeyo ayay xarrimeen. Tusaale ahaan wadaadkii u gu weynaa berigaa oo ahaa Cumar Faaruuq wax uu muxaaddaro ku yidhi “Ma idinka oo ilmihiinnii saaka gaalo u geeyay baad i hor fadhidaan oo diin iga la hadlaysaan!”. Mar kale wax uu yidhi “Wax aad la socotaan reero cadaabta u geeddi ah”. Wahaabiyiintu si joogto ah oo badheedh ah bay mujtamaca Iswiidhan iyo guud ahaan dadka ay gaalada ku sheegeen u ga caayeen samaacadaha iyo fiidyowyada ay is ka duubaan. Dadka wax ay ku adkeeyeen in ay necbaadaan oo nacaan oo ka fogaadaan.

Dabadeed arday badan baa waxbarashadii joojisay, shaqo raadinta ayaa yaraatay, niyaddii iyo kalsoonidii baa dadka ka dhimatay, waana sidii Wadaabigu doonayeen ee masaajidyada iyo muxaaddarada ayaa la is dhoobay. Guryo badan baa TVgii ay afka iyo dalka ka baran lahaayeen tuuray, qoysas badan baa dib u gu qaxay Suuriya, Masar iyo meelo aan fursad nololeed ka jirin. Dad badan baa waashay ama cudurka qulubku ku dhacay wiswis iyo cabsi darteed, qoysas badan baana burburay. Carruurtii iyo waalidkii baa is garan waayay oo ka la go’ay, dhallinyaradii la gu koriyay nacaybka iyo cabsida ay umadda ay la nool yihiin u qabaan ama ka qabaan waxaa ku badatay guuldarrada waxbarashada iyo barbaarinta, dabadeed budhcadda suuqyada iyo xabsiyada ayay ku bateen. Waxaa abuurantay bulsho Soomaaliyeed oo if iyo aakhiro u dhaxaysa oo dalalkan ku nool haddana caalam kale ku dhaqan.

Waxaas oo dhan in kasta oo ay masaajidyada iyo muxaaddarooyinka Soomaalida dhexdeeda ka sheegi jireen haddana dalka oo dhan baa la ga la socday: warbaahinta, bulshada, cilmibaadhayaasha iyo hay’adaha dawladda intuba. Halkaas bay ka dhalatay Soomaalida in la caayo oo ceebaheeda la buunbuuniyo, si muuqata iyo si qarsoonba. Halkaas bay ka timid in na la yaso, na la xanto oo na la caayo.

Waxaas iyo kun wax oo la mid ah baan og ahay marka aan habeen iyo dharaar ka digayo halista ay Wahaabiyiintu ku hayaan umadda Soomaalida, qurbaha iyo dalkiiba. Wax ay halis ku yihiin koritaanka fikirka togan ee Soomaalida, aqoonta waxtarka leh, la noolaanshaha iyo la danaysiga dadyowga kale iyo guud ahaan taddawurka nololeed qofka iyo bulshada oo dhan heer walba.

QALINKII; IBRAAHIM HAWD

COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- ASKAR'S BLOG
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- durdurnews
- Farshaxan
- Gabileynews
- Gabiley24
- Gabooyelive;com
- Gamuur Trading Company
- Gardo
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- Murtimaal
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- QODAaL.COM
- Qtlhost.COM
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SalalNews
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- sooyaal
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews