Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Cali Abokor Oo Ku Geeriyooday Dalka Uk. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwaynaha Jsl Oo Dhambaal Tacsi Ah Udiray Qoyskii Uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Cali Abokor Oo Ku Geeriyooday Dalka Uk.
March 29, 2020 - Written by Editor:

TACSI MADAXWEYNE: 29/03/2020

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Ee Uu Ka Baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Abokor Oo ku Geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 29/03/2020, dalka Ingiriiska.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey muwaadin qayb ka soo qaatay dib u dhiskii iyo nabadayntii shacbiga Somaliland ku wada dhaqan. Waxaanu Madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi Ismaaciil Cali Abokor iyo Xasan Cali Abokor iyo dhammaan qoyska Ilma Cali Abokor meel ay joogaanba.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Saxaafadda Iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL.

 

COMMENTS
LINKS