Dawlada Jabuuti Oo Sheegtay Afar Qof Oo Ay Ka Heshay Caabuqa Coronavirus In Ay Ka Yimaadeen Dhinaca Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawlada Jabuuti Oo Sheegtay Afar Qof Oo Ay Ka Heshay Caabuqa Coronavirus In Ay Ka Yimaadeen Dhinaca Somaliland.
March 29, 2020 - Written by Editor:

Dawlada Jabuuti Oo Xili Ay Xidhan Tahay Xuduud Ay Wadaagaan Somaliland Sheegtay Afar Qof Oo Ay Ka Heshay Caabuqa Coronavirus In Ay Kasoo Galeen Dhicana Dhinaca  Lowyo Cado.

JABUUTI(W,N)-Dawlada jabuuti ayaa shaacisay afar qof oo ay ka heshay caabuqa coronavirus in dalkeeda kasoo galeen xuduuda ay wadaagaan Somaliland ee lowyo cado xili ay xadkeeda xidhay 20bishan

Xoghayaha guud ee wasaarada caafimaadka dalka jabuuti ayaa sidaa ka sheegay warbaahinta isagoo ja haday afarta qof ee laga helay xanuunka coronavirus

Hadalka kasoo yeedhay dawlada jabuuti ayaa kusoo beegmaya xili ay xuduuda ay Somaliland la wadaagto ay hore ushaacisay in Ay Xidheen.

Arinta ayaa noqotay mid shacabka Somaliland Amakaag ku noqotay iyadoo guud ahaan somalland aan wali laga helin hal qof oo qaba xanuunka coronavirus oo dunida si baahsan ugu faafay.

Xukuumada Somaliland iyo maamulka gobolka salal ayaan wali wax jawaab ah ka bixinin eedaha ay dawlada jabuuti usoo jeedisay.

Dawlada jabuuti ayaa hore sidan oo kale laba qof oo dalkeeda ku qarxay sheegtay in ay kasoo galeen magaalada jabuuti dhinaca Somaliland taasi oo iyana wali aanay xukuumada Somaliland sicad iskaga daadifayne eedahaasi dawlada jabuuti Caadaysatay in ay Somaliland kula dul gal gashaan waxkasta oo dalkeeda ka dhaca ku  sheegaan in ay Somaliland ka yimaadeen iyadoo wakhtigii ay eeda hore usoo jeediyasay dawlada jabuuti uu talada dalka hayay Madawaynihii hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo halka wuu wakhtigan Somaliland gadhwadeen ka yahay madaxwayne muuse biixi cabdi oo imaashihiisu kursiga dalka ugu sareeya ay gacan wayn ku lahayd dawlada jabuuti iyo ganacsatadeedu, taasi oo dadka siyaasada ka faaloodaa madaxwayne biixi la ku xidhiidhiyaa in u gacansaar dhow la leeyahay madaxwaynaha jabuuti isamaaciil cumar taasi oo Sobobi karta in xukuumadiisu aanay sicad ugu jawaabi Karin dawlada jabuuti .

Sikastaba ha ahaatee xukuumada madaxwayne biixi ayaa laga war sugidoonaa jawaabta ay ka bixiso hadalka kasoo yeedhay xukuumada jabuuti oo shacabka Somaliland siwayn ugu dhagtaagayaan jawaabka ay xukuumada Somaliland ka bixiso eedaha dalka jabuuti marwalba kula dhul dhacaan Somaliland iyadoo si cad loo ogyahay in madaxwayne geele uu si badheedha utaageero maamulka muqdisho islamarkaana shacabka jamhuuriyada Somaliland u arkaan in jabuuti kow ka tahay caqabada kowaad ee hortaagan madaxbanaanida Somaliland.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE.

COMMENTS
LINKS