Dawladda Faransiiska Oo Maxamed Bin Salmaan U Diiday Qasri Uu Ku Iibsaday $300 Milyan Oo Ku Yaalla Paris. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Faransiiska Oo Maxamed Bin Salmaan U Diiday Qasri Uu Ku Iibsaday $300 Milyan Oo Ku Yaalla Paris.
March 30, 2020 - Written by Editor:

Paris(W,N)–Faransiiska ayaa dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku bah-dilay qasri uu ku iibsaday boqolaal milyan oo dollar oo ku yaalla magaalada Paris.

Mas’uuliyiinta Faransiiska ayaa diiday codsi uu dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan ku doonayey inuu ku booqdo qasriga Louis XIV Palace oo uu ku iibsaday ku dhawaad $350 milyan dollar dhowr sanno ka hor.

Sida laga soo xigtay illo wareedyo sare oo siyaasiyiin ah oo ka tirsan dowladda France, Bin Salmaan wuxuu doonayey inuu wakhti ku qaato qasriga Louis XIV oo ku yaalla duleedka Paris.

Hase yeeshee, Faransiiska ayaa taas ku gacan saydhay, iyaga oo booqashada Bin Salmaan u arkay mid ceebeyn doonto Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron kaasoo ku dhex jira xilli xasaasi ah iyo culeys uu kala kulmayo shacabkiisa sababa la xidhiidha inuu ku fashilmay mashaariicdiisa dib u habeynta.

Sidoo kale, sababta Bin Salman loogu diiday booqashada ayaa lagu sheegay inay tahay inay France ay ka cabsi qabto inay culeys kala kulanto dunida maadaama Bil Salman lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka wariye Jamal Khashoggi.

Maxamed Bin Salmaan ayaa qasrigan iibsaday xilli uu isku dayayey inuu yareeyo ku tiirsanaan Sacuudiga ee dhaqaalaha shidaalka. Qasriga Louis XIV Palace ayaa la sheegay inuu yahay kan dunida ugu qaalisan.

Maxamed Binu Salmaan ayaa ku caan baxay iibsashadiisa faanka ku dhisan, Sannadii 2016 wuxuu 500 oo milyan oo dollar ku iibsaday doon lagu raaxeysto, halka sannad kadib la shaaciyey inuu ahaa qofka ku guulleystay iibka xaraashka sawir gacmeedka Leonardo Da Vinci ee Salvator Mundi, oo uu ku iibsaday 450 milyan oo dollar.

COMMENTS
LINKS