“Xaaladdan Adag Ee Xanuunka COVID19 Adduunyada Geliyey Waxa Ay Bannaanka Soo Dhigtay Karti-darrada Kuwa Aynu Dirsannay”Sahra Kiin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xaaladdan Adag Ee Xanuunka COVID19 Adduunyada Geliyey Waxa Ay Bannaanka Soo Dhigtay Karti-darrada Kuwa Aynu Dirsannay”Sahra Kiin.
March 31, 2020 - Written by Editor:

Dadka Ummadda Xil U Hayaa Marka Aanay Garanayn Masuuliyaddooda Ee Ku Guuldarraystaan Oo Aanay fashilkooda Qirsanayn Waa mucjiso. Xaaladdan Adag ee xanuunka COVID19 Adduunyada Geliyey waxa ay bannaanka soo dhigtaa karti-darrada Kuwa Aynu Dirsannay Iyo Hoggaan xumada Innagu Habsatay, Iyada Oo aan wali la Isgaadhinba.

Kuwii ku guuldarraystay in ay ummadda adeegyo aasaasi ah wax uun u qabtaan sida caafimaad, nadaafadda magaalooyinka, dayactirka jidadka, in ay danyarta ganacsata ay u sameeyaan meelo habboon oo aan lagu silcin iyo guud ahaan waxa ugu yare e dawladi ummad u qabato ay u qabtaan ayaa raba in ay iska dhigaan kuwo wax ka qabanaya xanuunkan dawladihii waaweynaa la ildaran yihiin. Waa kuwa inta ay marba kamarad soo horfadhiistaan wixii ay doonaan iskaga hadlaya iyo sidii ay doonaan. Waa kuwa amarro marba iska soo baxaya ee wax iska odhanaya ee dadkii ku maadsanayaan. Kuwaasi waxba kama qaban karaan la tacaalidda xanuunkan, waa in se bulshadu xilweyn isa saarto oo talooyinka haayadaha caafimaadka ee lagaga hortagayo qaataan.

Sida aynu adeegyada nolosheenna masuul uga nahay ee aynaan dawlad uga sugin caafimaad, waddo, waxbarasho, biyo koronot iwm, ayeynu masuul uga nahay in aynu sameyno ka hortagga xanuunka Korona Fayras.

QALINKII; SAHRA KIIN CABDIRAXMAAN

COMMENTS
LINKS