“Xukuumadda Ayaa Looga fadhiyaa Isku Xidhka Iyo Midaynta Awoodda Qaranka, Si Looga Adkaado Cadowga Coronavirus”Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xukuumadda Ayaa Looga fadhiyaa Isku Xidhka Iyo Midaynta Awoodda Qaranka, Si Looga Adkaado Cadowga Coronavirus”Cali Guray.
March 31, 2020 - Written by Editor:

ALLAHAYOW NA NABADGELI

NASKA IYO NARUURADA

NIMCADAADA NAGU DHAWR

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka waxa mooqata inay dadaalyso inta karaankeeda ahna waxba ka hagranayn. Wasiirka iyo dhamaan shaqaalaha caafimaadka ee heeganka u ah ka hortagga faafista COVID-19 si ay dadkooda uga badbaadiyaan Ilaahay garabkooda ha galo oo ha u fududeeyo. Wuu ku mahdsan yahay wasiirka iyo shaqaalihiisuba inay inala wadaagaan wixii macluumaad ah ee ku saabsan cudurkan, si aynu ula wadaagno xogogaalna ugu noqon xaaladda. Waxa muhiim ah in aynu qaadano tallooyinkooda, la shaqayno hadii ay u baahdaan si tadawacnimo ah si aanay xaaladdu farahooda uga bixin yaraanta awoodda adeegga caafimaadka oo dabacan aad u kooban Somaliland.

Waxa kale oo xusid mudan kaalinta dagaalka Coronavirus uu kaga jiro kana qaadan karo Dr Axmed Xuseen Ciise oo isagu dadka ugu aqoonta badan xanuunada noocan ah iyo sida loola tacaalayo dadka uu haleelo xanuunkani ah oo isagu shahaadadda Phd ku qaatay microbiology.

Hawlaha la dagaalanka COVID-19 way badan yihiin waanay dhinacyo badan yihiin sidaa daraadeed waa in loo midoobaa qof kastana waa in uu xil iska saaraa sidii uu kaalintiisa uga qaadan lahaa. Xukuumadda ayaana looga fadhiyaa isku xidhka iyo midaynta awoodda qaranka si looga adkaado cadowga Coronavirus.

Wa billaahi Tawfiiq.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (cali guray)

 

COMMENTS
LINKS