“Kuwa Xoolaha Wax U Haysta Ee Dollarka Ku Siisanaya Iyagoo Aan Bini’aadminimada Eegaynin Ayey Hoga-Tusaale U Tahay”Aqoonyahan Jamaal. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Kuwa Xoolaha Wax U Haysta Ee Dollarka Ku Siisanaya Iyagoo Aan Bini’aadminimada Eegaynin Ayey Hoga-Tusaale U Tahay”Aqoonyahan Jamaal.
April 1, 2020 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo kamid Haldoorka reer Somaliland ayaa ka hadlay si uu caalamka Usameeyay Xanuunka coronavirus iyo sida kuwii lacagta haystay ee taajiriinta ahaa ay waxba ugu qaban kari waayeen dadkoodii oo maalin walba ku hordhimaya.

Sidoo kale Aqoonyahan Jamaal ayaa dadka dhaqaalaha urursada ee dollarka siisanaya shacabkoodu usoo jeediyay in ay wax ku qaataan oo bulshadooda caawiyaan.

Aqoonyahan Jamaal cali xuseen ayaa qoraal kooban oo arimahaasi kaga hadlayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa Sidan;

“Dadkii Ugu Taajirsanaa Wadanka Talyaaniga Ayaa ay Lacagtoodii Waxba U Tari Weyday Oo Dadkoodii Adeeg Caafimaad Waxba Ugu Qaban Kari Waayey, Oo ay Maalin Walba Ku Hor Dhimanayaan. Xoolo la Urursado In Aanay Waxba Taraynin baa Soo baxday. Kuwa xoolaha wax u haysta ee Dollarka ku Siisanaya Iyagoo aan bini’aadminimadda eegaynin ayeey Hogatusaale u tahay. Qof walba caawi jaarkaaga, saamaxaad Weydiiso hadaad cid dulmiday ama xumeysay. Ilaahay ha lagu xidhnaado. The richest people in Italy threw the money on the road and said, “This did not work in our bad times, we cannot save our loved ones, we cannot save our children, what is the use of this wealth? There is a lesson for those who value money more than humanity.

Qalinkii; Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen.

COMMENTS
LINKS